Maxaa Ku Qoran Boorka Lagu Aflagaadeynayo Xaaska Gerard Pique Ee Shakira Ee Ay Soo Bandhigeen Taageerayaasha PSG?

Jamaahiirta mayalka adag ee Paris SaintpGermain ayaa bartilmaameedsaday Shakira iyagoo soo bandhigay boor weyn oo ay ku tilmaamaya inay tahay “qof jirkeeda ka ganacsata” ka hor kulanka ay la ciyaarayaan Barcelona.

Advertisements

Kooxda difaacaneysa horyaalka Faransiiska ayaa habeen danbe oo Arbaco ah waxay garoonkeeda Parc des Princes ku martigelin doontaa Barcelona lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Si kastaba, taageerayaasha mayalka adag ee kooxda PSG ayaa lagu cambaareeyay weerarka xun ee akhlaaq xumada ah ee ay ku qaadeen fanaanada Shakira oo ah xaaska daafaca Barcelona Gerard Pique.

Taageerayaasha PSG ayaa lagu sawiray iyagoo maraya wadooyinka Pairs islamarkaana sita boorarka kala duwan halka ay shidayeen buleero badan.

Advertisements

Mid ka mid ah boorarka waa weyn ee ay siteen waxaa ku qornaa “Shakira a La Jonquera,” taasoo tixraac u ah magaalo ku taala xuduuda Faransiiska iyo Spain oo ku caan baxday dumarka jirkooda ka ganacsada.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa baraha bulshada ku difaacay Shakira iyagoo ku cambaareeyay taageerayaasha PSG boorarka fool xumada ah ee ay soo bandhigeen.

Taageere ayaa Twitter ku soo qoray: “LOL. Ma taageerayaasha PSG ayaa wax ka sheegaya Shakira? Waxay qabatay koobab Champions League oo ka mid ah inta ay qabteen kooxdii oo dhan. Kubada cagta waa ixtiraam.”

Taageere kale ayaa soo qoray: “Taageerayaasha PSG miyaa aflagaadeynaya Shakira? Waa sharaf dhac. Shakira waxay ka weyn tahay kooxdiina.”

Taageere kale ayaa soo qoray: “Malaha waa waqtigii ay Shakira ka dhisi laheyd France mid ka mid ah iskuuladeeda sababtoo ah taageerayaasha kubada cagta waxay u baahan yahay aqoon yar iyo inay bartaan in dumar si ixtiraam leh loola dhaqmo.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*