Maxaa Ku Dhaafay Maanta Oo Ka Dhacay Jarmalka?

Robert Lewandowski ayaa dhaliyay seddexleey iyadoo 10 ciyaaryahan oo Bayern Munich ay soo ceshteen hogaankooda afarta dhibcood ee horyaalka Bundesliga ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqeen kooxda Stuttgart.

Advertisements

Alphonso Davies ayaa casaan toos ah ka qaatay Bayern Munich ka dib 12 daqiiqo oo ay ciyaarta socotay taasoo keentay in Bayern Munich ay ku ciyaarto 10 ciyaaryahan muddo 80 daqiiqadood ah.

Laakiin taasi waxay dhiirogelin u noqotay Bayern Munich oo afarta gool dhalisay ka hor waqtigii nasashada.

Robert Lewandowski ayaa goolasha furay daqiiqadii 18aad ee ciyaarta ka hor inta uu Serge Gnabry dhalinin goolka labaad iyadoo labo gool kale uu dhaliyay Lewandowski ka hor inta aan la gaarin waqtigii nasashada.

Advertisements

Bayern Munich ayaa hogaanka Bundesliga ku heysa 61 dhibcood iyagoo afar dhibcood ka sareeya RB Leipzig oo habeen hore 1-0 kaga soo badiyay Arminia Bielefeld.

Wolfsburg ayaa seddexaad ku jirta iyagoo 2-1 kaga badiyay maanta Werder Bremen waxay leeyihiin 51 dhibcood, halka Eintracht Frankfurt ay kaalinta afaraad ku jirto iyagoo leh 47 dhibcood markii ay maanta 5-2 kaga badiyeen kooxda Union Berlin.

Waxay seddex dhibcood ka sareeyaan Borussia Dortmund oo kaalinta shanaad ku jirta kuwaasoo maanta barbaro 2-2 ku qabtay kooxda FC Koln.

Erling Braut Haaland ayaa hogaanka u dhiibay Dortmund laakiin Duda iyo Jacobs ayaa labo gool u saxiixay kooxda Koln. Waxay ciyaarta u muuqatay mid ay Koln badineyso iyadoo Haaland uu goolka barbaraha dhaliyay daqiiqadii 90aad ee ciyaarta.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*