Maxaa Kasoo Kordhay Wadahadalada Man United & Sporting Lisbon Ee Bruno Fernandes? Malaga Yaabaa In January Lagu Kala Baxo Heshiiska? 

Advertisements

Man United ayaan wali diyaar u noqon iney bixiso lacagaha ay Sporting Lisbon dul dhigtay Bruno fernandes, balse waxaa lagu soo warramayaa in wadahadalada labada dhinac ay socdaan.

Sida lagu qoray Sky Sports, labada kooxood waxaa u dhaxeeya qadar dhan 10 Malyan oo Pound, maadaama Red Devils ay dooneyso iney bixiso 42 Malyan oo Pound halka markii hore loo soo bandhigay 55 Malyan oo Pound.

Red Devils waxey sii wadi doontaa iney riixdo heshiiska 25-jirkaan heerka caalami ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda 31-ka January, waxeyna maanta gudbin doonaan dalab hormarsan oo gaaraya 46 Malyan oo Pound.

Isbuucii lasoo dhaafay wakiilka dhex-dhexaadka ah ee Jorge Mendes ayaa u duulay Manchester isagoo la socda madaxweynaha kooxda Sporting Frederico Varandas iyo sidoo kale agaasimaha ciyaaraha kooxda Hugo Viana, waxeyna rajeynayeen iney arinta xiddigaan la meel dhigaan madaxa fulinta Red Devils Ed Woodward.

Advertisements

Wadahadalada labada dhinac ayaa istaagay kadib markii Woodward uu shaaca ka qaaday in Red Devils ay badashay go’aankeeda, Mendes ayaana u sheegay iney si dhaqso leh go’aan ku gaaraan hadii ay doonayaan saxiixa xiddigaan.

Waxaa la fahamsan yahay in Bruno Fernandes uu jecel yahay ku biirista Man United bishaan, balse wuxuu ku qasban yahay inuu sii matalo kooxdiisa, sanadkaan 2020 wuxuu kooxda u ciyaaray 4-kulan.

Comments are closed.