Maxaa Kasoo Baxay Baadhitaankii Lagu Sameeyey Dhaawaca Sadio Mane?

Advertisements

Xiddiga Liverpool ee Sadio Mane ayaa shalay tegay cusbitaal ku yaalla magaalada Liverpool si baadhitaan loogu sameeyo inta uu le’eg yahay dhaawacii kasoo gaadhay kulankii habeen hore ay 2-1 kaga adkaadeen Wolves.

Sadio Mane ayaa muruqa dhaawac kasoo gaadhay qaybtii hore, awaxaana garoonka Molineux laga saaray daqiiqaddii 33aad, markaas oo uu si toos ah uga codsaday tababarihiisa inuu beddelo ka hor intii aanu usoo dhaqaaqin dhinaca kaydka ciyaartoygu fadhiyeen si uu uga baxo.

Bixitaankii Mane ayaa dhibaato ku noqday Liverpool, waxaanay ku sigatay inay dhibco lumiso maadaama uu yaraaday weerarkii ay ku hayeen Wolves, has eyeeshee gool uu daqiiqaddii 84aad u dhaliyey Roberto Firmino ayaa Reds ka saaciday inay saddexda dhibcood ka qaadato Wolves.

Laacibka reer Senegal ayaa Jimcihii shalay lagu sawiray isagoo la socda nin ay saaxiibo yihiin iyo darawal u waday gaadhiga, xilligaas oo ay kasoo baxeen cusbitaal uu u tegay dhaawaciisa in lagu ogaado isla markaana daaweyn loogu sameeyo.

Advertisements

Sawirro laga qaaday ayaa waxay muujiyeen Mane oo faraxsan isla markaana dhoolla-caddaynaya, balse wali warbixin buuxda lagama soo saarin waxa laga ogaaday tijaabadii lagu sameeyey.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Jurgen Klopp ayaa sii saadaaliyey in ay u badan tahay in saddex ciyaarood uu ka maqnaado, waxaana ugu soo horreyn doonta kulanka FA Cup ee Shrewsbury Town ay Axadda wada ciyaarayaan, kulankii baaqiga u ahaa oo West Ham ay u tegayaan Arbacada iyo Sabtida soo aaddan oo ay Southampton iska hor iman doonaan.

Comments are closed.