Maxaa Ka Jira In Alexis Sanches Uu Kusoo Laabanayo Old Trafford? Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Ka Jawaabaya.

Advertisements

Mustaqbalka Alexis Sanchez ee Man United ayaa u muuqday mid dhamaaday markii amaah lagu siiyay Inter Milan, balse tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo jeediyay inuu xiddiga reer Chile soo laaban doono.

Tababaraha reer Norway wuxuu xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu dib ugu soo laaban doono garoonka Old Trafford, wuxuuna xaqiijiyay inuu qof walba u cadeyn doono iney qaldan yahiin.

Alexis wax muuqda uma sameynin Red Devils tan iyo markii uu kaga yimid Arsenal, waxeyna taad keentay in amaah looga diro kooxda.

Advertisements

Manchester United ayaan wali lasoo saxiixan wax ciyaartoy ah suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January, warbaahinta ayaana wax ka weydiisay inta uu ku jiray shirkiisa jaraa’id.

Ole Gunnar wuxuu diiday inuu wariyayaasha uga jawaabo warar ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, wuxuuna u sheegay kaliya inuu ka fakarayo kulanka kusoo socda.

Comments are closed.