Maxaa Ka Cusub Wararka Xavi Hernandez La Xiriirinaya Inuu Noqonayo Tababaraha Barcelona & Hadii La Ceyrinayo Ernesto Valverde?

Advertisements

Kooxda Barcelona ayaa u bandhigtay kabtankoodii hore Xavi Hernandez fursad uu doorka tababare ee kooxda uga badalo Ernesto Valverde, balse waxey jawaabtiisa ugu dambeysa sugayaan maanta.

Sida la fahamsan yahay Oscar Grau iyo Eric Abidal ayaa jimcadii lasoo dhaafay wadanka Qatar kula kulmay Xavi, waxeyna ka sugayaan go’aankiisa ugu dambeeya ilaa galinka dambe ee maanta.

Wararka la helayo waxey sheegayaan in Balaugrana ay miiska u saareen Xavi Hernandez heshiis laba sano iyo bar ah, balse waxey ku xiran tahay go’aanka uu qaato.

Hadii Xavi uu qaato go’aan uu kusii joogo kooxda Al-Sadd, waxey noqoneysaa in Ernesto Valverde uu sii joogo booskiisa ilaa dhamaadka fasalkaan.

 

Lama filayo inuu Xavi Hernandez gaaro go’aan dhaqso leh, waxeyna u muuqataa inuusan jecel badan u qabin wakhtigaan inuu kursiga keydka soo gaaro, balse wali ma jirto go’aan kama dambeys ah oo la gaaray.

Xavi mar walba riyadiisa ayey tahay inuu maamulo kooxda Barcelona, balse saacadaha soo socda ayaa la ogaan doona go’aanka ugu dambeeya.

Hadii uu Xavi uu “Haa” kiu dhaho Barcelona waxey ka dhigan tahay in loo baahan yahay kooxda Al-Sadd in lagala heshiiyo xaaladiisa.

Advertisements

Al-Sadd waxey ka dhawaajisay in Barcelona ay wadahadal kula jirto Xavi Hernandez, balse aan wali la gaarin sheeko loo dhan yahay oo albaabka kooxda ka xireysa ku guuleystaha koobka Adduunka.

Waxa kaliya ee la hubo waxey tahay in Ernesto Valverde uu lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen maamulka kooxdiisa maadaama ay raadinayaan badalkiisa, hala helo bishaan January ama hala helo bisha June.

Leave a Reply

Your email address will not be published.