Maxaa Heysta Saxiixa Daafaca Reer Spain – Pablo Mari – Kaas Oo Magaalada London U Yimid Inuu Ku Biiro Kooxda Arsenal?

Advertisements

Pablo Mari oo daafaca kaga ciyaara Flamengo laguna waday inuu ku biiro Arsenal inta lagu jiro bishaan ayaa lagu soo warramayaa in heshiiskiisa uu qatar ugu jiro burbur kadib markii wadahadaladii labada kooxood ay istaageen

26-jirkaan daafaca dhexe ka ciyaara ayaa usoo safray magaalada London isagoo mataan la ah Edu oo ah agaasimaha Gunners si uu u dhameystiro caafimaadka ka hor inta aan heshiiska la dhameystirin.

Balse sida lagu qoray Daily Mail, Pablo Mari dib ayuu ugu laabtay Rio de Jeniero, waxaana la fahamsan yahay in Flamengo iyo Arsenal aysan wali ka heshiin qiimaha xiddigaan oo la rajeynayo inuu kusoo aruuri doono qiyaastii 7 Malyan oo Pound.

Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay dooneyso iney heshiis amaah ah ku qaadato xiddigaan laguna daro dooq ay ku iibsan karto xagaaga, balse Flamengo waxey doorbideysaa in heshiiska uu noqdo mid toos ah lacagahana faraqa la isugu shubo.

Advertisements

The Athletic ayaa ku warameysa in Pablo Mari uu dib u aaday dalka Brazil, sidoo kalana ay wali socdaan wadahadalada labada dhinac.

Waxaa la ogyahay in Mikel Arteta uu qorsheynayo bishaan xoojinta daafaciisa, maadaama Shkordan Mustafi uu ku fashilmay inuu qaab fiican soo bandhigo.

Comments are closed.