Maxaa Helay? Xiddig Ka Tirsan Barcelona Oo Gaadhigiisa Ka Dhex Ooyey Kaddib Barbarrihii Cadiz Ee Xalay

Clement Lenglet oo difaaca uga ciyaara kooxda reer Spain ee Barcelona ayay kaamirooyinku soo qabteen isaga oo ka dhex ooyaya gaadhigiisa kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay barbarraha 1-1 la galeen Cadiz.

Advertisements

Barcelona ayaa xalay iska lumisay fursad ay lix dhibcood ugu jirsan lahayd Atletico Madrid oo hoggaanka horyaalka haysa, halka ay saddex dhibcoodna u jirsan lahaayeen Real Madrid oo kaalinta labaad ku jirta.

Tababare Ronald Koeman ayay kooxdiisa dhibaato weyn ku ahayd labadan dhibcood ee ay lumiyeen, sababtoo ah, waxay u baahnaayeen inay dariiqa guusha kusoo laabtaan kaddib burburkii ay PSG u geysatay Salaasadii hore.

Kaddib guul-darrada iyo barbarraha is xigay ee labaduba garoonka Camp Nou loogu geystay, waxay Barcelona ku noqotay xaalad adag oo aanay qaadan karaynin iyadoo uu tababare Ronald Koeman qirtay in khasaarihii PSG ay kaga darnayd natiijada barbarraha ah ee Cadiz.

Advertisements

Barcelona ayaa gool la hormartay kulankan, iyadoo uu Lionel Messi u dhaliyey rikoodhe, hase yeeshee dhamaadka ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 89aad ayaa Cadiz loo dhigay rikoodhe kaddib qalad uu Clement Lenglet sameeyey, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Alex Fernandez.

Laacibkan ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay, waxa uu la dooday garsooraha isagoo ay murugo ka muuqato, hase yeeshee markii uu garoonka dibedda uga baxay ee uu gaadhigiisa fuulay ayuu oohin miciinsaday niyad-jabkii iyo qaladkii uu sameeyey ee kooxdiisa guusha ka hor istaagay darteed.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa website-kiisa ku daabacay VIDEO muujinaya Clement Lenglet  oo baabuurka wada, isla markaana ooyaya dariiqa dhexdeeda.

Sida ka muuqata Video-gan, Clement Lenglet ayaa indhaha marmaraya, sidoo kalena wajiga sare xoqanaya iyadoo ay taageereyaal dariiqa marayayna daawanayaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*