Maxaa Dhexmaray Kylian Mbappe Iyo Anthony Martial Xalay Oo Saaka La Hadal Hayaa?

Anthony Martial iyo Kylian Mbappe ayaa wadaagay xaalad wajigabax ah markii weeraryahanka Manchester United uu diiday inuu salaamo saaxiibkiisa xulka Faransiiska.

Advertisements

Xulka difaacanaya Koobka Adduunka ee France ayaa barbaro ku bilowday isreebreebka markii ay barbaro 1-1 ah la galeen xulka Ukriane isbuucii hore.

Inkastoo ay dhibco dhumiyeen kulankoodii ugu horeeyay hadana tababare Didier Deschamps ayaa go’aansaday inuu kulankii salay ee Kazakhstan inuu kursiga keydka geliyo xiddigihiisa Kylian Mbappe.

Bedelkiisa waxaa weerarka lagu soo bilaabay xiddiga Man United Anthony Martial kaasoo caawiye ka ahaa goolkii Ousmane Dembele ee furitaanka ka dib baas fiican uu ka helay Paul Pogba.

Shaqada Martial ayaa la soo gaabiyay bartamihii qeybta labaad markii la soo bedelay daqiiqadii 59aad iyagoo lagu bedelay xiddiga Paris Saint-Germain.

Mbappe ayaa isku dayay sida caadada aheydba inuu salaamo xiddigii uu bedelayay ee Anthony Martial, laakiin Martial xiiso kuma heynin inuu salaanta ka qaado Mbappe.

Waxay taasi keentay inuu Mbappe dareemo wajigabax isagoo gadaal u soo eegay Martial intii uu sii galayay garoonka.

Waxaa haatan soo baxday in sababtii loo bedelay Martial inay aheyd dhaawac soo gaaray taasoo ka careysiin doonta tababare Ole Gunnar Solskjaer madaama xiddigaan uu dhawaan uun taam ahaansho buuxda helay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*