Maxaa Dhacay Markii Ugu Dambeysay Oo Ay Man United Sidaan Liidata Ku Bilaabato Horyaalka Ingiriiska?

Advertisements

Man United ayaa si liidata ku bilaabatay fasal ciyaareedkaan kulamada horyaalka, waxeyna kooxda ku sugan tahay marxalad ay tahay in laga sheekeeyo maadaama aysan dhicin iney mudooyinkii ugu dambeeyay.

Red Devils waxey dhamaadka isbuucii lasoo dhaafay guul ka gaartay Chelsea kana reebtay koobka Carabao Cup, balse sabtidii (shalay) waxey guuldaro kala kulantay Bournemouth kadib markii ay u safartay xeebaha koonfureed ee England.

Man United waxey shaqeysatay 13-dhibcood kadib 11-kulan oo ay ciyaartay Premier League, mana dhicin taariikhda horyaalka tan iyo markii la bixiyay magaca Premier League, balse waxey sidaas ku dhacday fasalkii 1986/87.

Haddaba Maxaa dhacay?

Advertisements

Markii ugu dambeysay oo ay ciyaaraha horyaalka Red Devils 11-dhibcood la timaado 13-ka kulan ee ugu horreeya waxaa horyaalka ku guuleystay Everton oo 9-dhibcood kaga qaaday horyaalka kooxda ay magaalada ku xifaaltamaan ee Liverpool.

Red Devils waxey ku dhameysatay kaalinta 11-aad kadib markii 42-kulan oo la ciyaaray ay la timid kaliya 56-dhibcood.

Comments are closed.