Mauricio Pochettino Oo Si Dadban U Iclaamiyay Inuu Raaci Karo Wadadii Jose Mourinho.

Advertisements

Tababare Mauricio Pochettino ayaa u muuqda mid si dadban albaabada ugu furaya kooxda Barcelona, waxeyna durba warbaahinta kubadda cagta si hoose ugu sheegeen inuu doonayo wadadii Jose Mourinho.

48-jirkaan ayaa laga diiwaangaliyay inuusan waligiis tababari doonin kooxda ka dhisan Camp Nou xilli uu ku sugnaa kooxda ay magaalo cadawga yahiin ee Espanyol.

Balse macalinka reer Argentina wuxuu hadda sharraxay sida ay ku timid arintii laga qoray hadda ka hor iyo iney macquul tahay inuu qabto shaqada kooxda Balaugrana.

Advertisements

“Waa inaan wax walba u sharaxaa si caadi ah, waxaan joogay magaalada Barcelona xiligaas, waxaan meel maqaaxi ah ku kulany madaxweynaha kooxda Josep Maria] Bartomeu” ayuu Pochettino u sheegay El Pais.

“Waan is gacan qaadnay, sababtoo ah waxaan ka hadleynay caruurteena oo hal iskuul wada dhigta, waxaana wadahadalnay muddo shan daqiiqo ah”

“Warar xan ah ayaa soo baxay, waxaana doonayay inaan xasiliyo, mana dooneyn inaan xushmad darro u muujiyo Barcelona”

“Espanyol wey i caawisay, balse ma rabo inaan noqdo jaahil, mana aanan jeclaanin waxyaabahaas”

“Laga yaabee ineysan hadda sidaas aheyn, sababtoo ah qofna ma oga waxa dhici kara” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Pochettino.

Dadka kubadda cagta ka faallooda waxey rumeysan yahiin in Pochettino uu doonayo inuu maro wadadii Mourinho kaas oo qabtay xilka Spurs isagoo sheegay inuusan waligiis tababari doonin.

Barcelona waxey ku jirtaa marxalad adag marka laga hadlo dhanka tababarka, sidaas darteed Mauricio wuxuu ka mid yahay macalimiinta lala xiriirinayo.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. War sidan suuq geyn idin ma noqoto qodobka iyo mqaaalka aa so qorteen isma taaabacsana tusaale pochetino wxa u iclaamiyey in u raaci kro wadada morinho mxa waaye wadada morinho oo raacayo pochetino

  2. #Cabdicasiis waxaa laga wadaa Mourinho Chelsea ayuu soo tababaray hadana kooxda ay cadowga yihiin buu tababaraa sidaa darteed pochettino Espanyol soo tababaray inuu Barcelona tababari karo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*