Martin Odegaard Oo Dhaawac Uga Baxay Kulankii Xulkiisa Norway Ee Xalay & Haddii Uu Seegi Karo Ciyaarta Arsenal vs Liverpool

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Arsenal ayaa uu dhaawac wer-wer galiyay jamaahiirta kooxdiisu ku gaadhay kulankii uu xulkiisa Norway xalay guusha fudud ee 3-0 ka ah ka gaadhay dhigiisa Gibraltar.

Advertisements

Odegaard ayaa ahaa mid kulamadii ugu dambeeyay qaab ciyaareed aad u wanaagsan ugu jiray Arsenal balse waxa uu ku qasbanaaday inuu dhaawac ku baxo ciyaartii xalay qaybteedii hore isaga oo u muuqday mid u dhibtooday dhaawac canqawga ah.

Image

Si kastaba, tababaraha xulka Norway ee Stale Solbakken oo kulanka kaddib saxaafada u warramay ayaa qalbiga u dejiyay qofkasta oo wer-wer ka qabay dhaawaciisa waxaana uu sheegay inuusan mid halis ah ahayn oo uu rajaynayo inuu dib u heli doono ciyaarta xigta ee ay Turkey-ga la balansan yihiin.

“Maaha mid halis ah, waxaan qabaa rajo ah in Martin uu diyaar u noqon doono kulanka Turkey ee Sabtida” ayuu yidhi macalin Solbakken ciyaarta kaddib.

Advertisements

22 sano jirkaas ayaa inta xilli ciyaareedkan ka dhiman qaab amaah ah kaga maqan Real Madrid, kulamadii ugu dambeeyay ayuu ahaa mid asaasi u ah Gunners gaar ahaan kulamadii Tottenham iyo West Ham United.

Arsenal ayaa u muuqata mid doonaysa inay joogto ka dhigto heshiiska Odegaard ee amaahda ah, da’yarka ayaa dhinaciisa Real Madrid wax cad uga dhigay inuu doonayo in qoddobo dhawr ah loo xaqiijiyo haddiiba uu ku laabanayo kooxda.

Kaddib marka uu ka qayb qaato kulamada xulkiisa ee Turkey iyo Montenegro, waxa uu Arsenal kala qayb gali doonaa ciyaarta muhiimka ah ee ay 3-da bisha April Emirates Stadium kusoo dhawaynayaan Liverpool.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*