Martial, Cavani, De Gea Iyo Xiddigaha Kale Ee Laga Reebay Liiska Ciyaartoyda Manchester United Ee Kulanka West Ham

Marcus Rashford ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka West Ham United ee Old Trafford, kaddib markii uu kasoo kabtay dhaawac kuraanta ahaa oo kasoo gaadhay ciyaartii Man City ee toddobaadkii hore.

Advertisements

Rashford ayaa la beddelay usbuucii hore markii uu sii wadan kari waayey ciyaartii ay kooxdiisu ku garaacday City ee Etihad, waxaana uu Ole Gunnar Solskjaer hore shaki u geliyey taam ahaanshaha xiddigan oo ka maqnaa ciyaartii AC Milan ay barbarraha kula galeen garoonkan.

Red Devils ayay farxad u tahay in Marcus Rashford uu usoo laabtay sababtoo ah may haysanin weeraryahan kale oo ay ka sugaan inuu wax u dhaliyo maadaama ay dhaawacyo ku maqan yihiin Edinson Cavani iyo Anthony Martial.

Weeraryahanka reer France ee Martial ayaan lagu soo darin liiska ciyaartoyda Manchester United kaddib dhaawacii kasoo gaadhay ciyaartii Milan, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Mason Greenwood uu booskiisa meel u yaallo caawa.

Advertisements

Goolhaye David de Gea ayaa isaguna ka maqan liiska ciyaartoyda Manchester United kaddib fasax uu ku tegay Spain kaddib markii ay xaaskiisu umushay inan usbuucii hore, hase yeeshee waxa wargeyska MEN oo liiska ciyaartoyda United daabacay uu sheegay inay suurtogal tahay soo laabto, inkasta oo xataa haddii ay dhacdo uu kaydka geli doono.

Edinson Cavani, Paul Pogba, Donny van de Beek iyo Juan Mata ayaa dhaawacyo kaga maqan Manchester United kulankan ay ku qaabbilayso West Ham United oo kaalinta shanaad kaga jirta miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League.

Halkan kaga bogo ciyaartoyda Manchester United ee kulanka West Ham:

Henderson, Bishop, Grant; Wan-Bissaka, Williams, Tuanzebe, Lindelof, Maguire, Bailly, Telles, Shaw; Matic, McTominay, Fred, Fernandes; James, Rashford, Shoretire, Amad, Greenwood

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*