Marcus Rashford Oo Saadaal Ka Bixiyey Xiddigii Da’da Yaraa Ee Xalay Lagu Beddelay Ee Shola Shoretire

Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford ayaa saadaal ka bixiyey laacibka da’da yar ee Shola Shoretire oo xalay lagu beddelay dhamaadka kulankii ay Newcastle United 3-1 ku garaaceen.

Advertisements

Shola Shoretire ayaa garoonka soo glaay daqiiqaddii 89aad, waxaanay u ahayd ciyaartii ugu horreysay ee uu kooxda waaweyn u saftay.

17 jirkan oo bilihii ugu dambeeyey bandhig fiican ka samaynayay kooxda da’yarta Manchester United, ayaa uu Ole Gunnar Solskjaer usoo dallacsiiyey kooxda koowaad, waxaanu sidaas ku raacay raadka Marcus Rashford oo isagana uu da’yarta kasoo dallacsiiiyey Louis van Gaal waqtigii koobnaa ee uu macallinka ka ahaa Red Devils.

Rashford oo u warramayay telefishanka Manchester United ee MUTV, ayaa wax laga weydiiyey Shola Shoretire, waxaanu yidhi: “Xataa wuxuu ka da’ yar yahay intii aan anigu ahaa (markii uu kooxda koowaad usoo dallacay). Waa waqti sare. Marka aad tahay ciyaartoy yar ee aad safato kulankaaga ugu horreeya, waxa aanu ka rajaynaynaa inaanu ka aragno sidii oo kale (sidii markii uu Rashford soo baxay).

Advertisements

“Shola Shoretire wuxuu leeyahay tayo badan, inta badan wuu nala tababartaa, waxaanu nala ciyaaraa isagoo dareemaya inuu raaxaysanaysanayo, waxaanu tayadiisa kusoo bandhigi karayaa garoonka.”

Marcus Rashford waxa kale oo uu Manchester United ku amaanay in kooxda ay kusoo kordhiso dhiig cusub oo ah da’yar ka soo dallacday kulliyadda, waxaanu yidhi: “Kulliyadda, waxay mar walba kusoo xoojiyaan ciyaartoy kooxda koowaad timaadda. Mar walba waxay u muuqataa wax wanaagsan, sababtoo ah, waxaan garanayaa markii aan anigu yaraa ee aan doonayay inaan kooxda koowaad imaaddo. Waa wareeg, waxaanan u rajaynayaa da’yarta inay arki doonaan isagoo ciyaaraya, iyaguna ay bilaabi doonaan.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*