Manchester United Oo Xalka Dhibaatada Haysata Ka Raadinaysa Alexis Sanchez Oo Lagu Wargeliyey Inuu Old Trafford Iska Soo Xaadiriyo

Advertisements

Manchester United ayaa go’aan cusub ka qaadatay mustaqbalka laacibka amaahda kaga maqan ee Alexis Sanchez, kaas oo laga diray Old Trafford 18 bilood oo kaliya markii uu joogay.

Laacibka reer Chile ayaa ku fashilmay inuu la qabsado Manchester United oo uu January 2018 uga soo wareegay Arsenal, waxaaana 45 ciyaarood oo uu u saftay uu dhaliyey kaliya shan gool, waxaanay taasi keentay in amaah loogu diro Inter Milan oo iyaduna kaydka ku haysa.

Sida uu qoray wargeyska The Daily Star, Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dib usoo celiso Sanchez dhamaadka xili ciyaareedka, isla markaana ay siiso fursad kale oo uu isku muujin karo, waxaana illaa hadda niyadsamaan badan u haya Guddoomiye ku-xigeenka, Ed Woodward oo ku wargeliyey wakiilka Sanchez in aanay Red Devils doonaynin inay fasaxdo laacibkan.

Wargeysku waxa uu sheegay in Sanchez uu kusoo biiri doono ciyaartoyga Manchester United xilliga ay u baxayaan safarka xagaaga, iyadoo uu kalsoonina ka haysto tababare Ole Gunnar Solskjaer oo rumaysan inuu mar kale dib u heli karo xirfaddiisii fiicnayd.

Inkasta oo uu ku guul-darraystay inuu qaab fiican ku bilowdo waqtigiisii hore, haddana tababaraha reer Norway ayaa rumaysan in Sanchez uu u baahan yahay taageero niyadeed oo la siiyo iyo kalsooni badan oo uga timaaddo dhinaca macallimiinta iyo shaqaalaha Old Trafford, taasina ka caawinayso inuu noqdo sidii ciyaartoy cusub oo heerkiisii hore uu kusoo laabto.

Advertisements

Heshiiska uu 31 jirkani kula jiro Manchester United ayaa waxa uu soconayaa illaa badhtamaha sannadka 2022, kaas oo uu usbuucii ku qaato lacag dhan 500,000 Gini oo mushahar ah.

Intii uu joogay Inter Milan, waxa uu marar badan la halgamayey inuu kasoo kabto dhaawacyo, waxaana gebi ahaan uu ciyaaray toddoba kulan oo uu hal gool ku dhaliyey.

Comments are closed.