Manchester United ayaa todobaadkan soo gabagabeysay rikoodhkii guulaha isku xig xigay ee Manchester City kuwaasoo badiyay 21 kulan oo isku xigta tartamada oo dhan ka hor kulankii Etihad Stadium.
Man City waxay kaalinta 3aad kaga jirtay rikoodhka guulaha isku xigxiga ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, waxayna ceyrsanayeen rikoodhka Bayern Munich.
Laakiin Manchester United ayaa burburisay riyadoodooda ka dib markii ay 2-0 ku badiyeen kulankii Etihad Stadium ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Bruno Fernandes iyo Luke Shaw.
Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Man United dilaan rikoodh weyn oo ay koox Premier League ah wadato.
Taariikha ayay ku jirtaa inay yihiin kooxdii dishay rikoodhkii guuldarro la’aanta Arsenal sannadkii 2004. Gunners ayaa weli ah kooxda kaliya ee guuldarro la’aan ku qaaday horyaalka Premier League taariikhda, laakiin rikoodhkoodii oo waaray ilaa 49 kulan waxaa dishay Man United.
Sannadkii ku xigay Chelsea ayaa mareysay 40 kukan oo isku xigta oo aan laga badinin tartamada oo dhan laakiin waxaa iygana ka jabisay kooxda Manchester United.
Seddex kooxood oo rikoodho waa weyn dhigaya ayay kooxda Manchester United oo ay kala hogaaminayeen Sir Alex Ferguson iyo Ole Gunnar Solskjaer dileen.
Arsenal 49 kulan oo aan laga badinin – 2004.
Chelsea 40 kulan oo aan laga badinin – 2005
Man City 21 kulan oo ay badiyeen – 2021
Waxaa dhamaantood soo gabagabeysay Manchester United.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora