Manchester United Oo Kusoo Laabatay Kaalinta 2aad, Fernandes Oo Sii Wata Wacdaraha Iyo Rashford Oo Ka Baxay Inkaartii Goolasha

Manchester United ayaa kusoo laabatay kaalinta labaad ee horyaalka Premier League oo ay kala baxday Leicester City oo booskaas cidhiidhsatay saacado ka hor, waxaana Red Devils ay dib ula soo wareegtay kaalintan markii ay 3-1 ku garaacday Newcastle United oo ay ku qaabbishay Old Trafford.

Advertisements

Marcus Rashford ayaa Manchester United u furay gool-dhalinta, isagoo daqiiqaddii 30aad shabaqa soo taabtay, laakiin Newcastle ayaa kaga jawaabtay gool qurux badan oo uu u dhaliyey Allan Saint-Maximin.

Qaybtii labaad ayay Manchester United si buuxda u xaqiijisatay inay ku noqonayso kaalinta labaad, waxaana kubbad uu ka shaqeeyey Bruno Fernandes ay u tagtay Daniel James oo daqiiqadii 57aad hoggaanka ciyaarta ugu soo celiyey kooxdiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa qaybtii labaad hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa, isagoo noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa xili ciyaareedkan.

Advertisements

Manchester United ayaa guushan waxay ku yeelatay 49 dhibcood iyagoo farqiga dhibcaha kaga horreeya Leicester City oo ay isku dhibco yihiin, hase yeeshee Manchester City oo hoggaanka haysa ayay ka dambeeyaan toban dhibcood.

Shaxdii labada kooxood

NEWCASTLE UNITED XI (4-3-1-2): Karl Darlow; Emil Krafth, Jamaal Lascelles, Ciaran Clark, Jamal Lewis; Joe Willock, Isaac Hayden, Jonjo Shelvey; Miguel Almiron; Joelinton, Allan Saint-Maximin.

Kayda: Jeff Hendrick, Dwight Gayle, Andy Carroll, Jacob Murphy, Martin Dubravka, Paul Dummett, Ryan Fraser, Sean Longstaff, Matt Ritchie.

MANCHESTER UNITED XI (4-2-3-1): David De Gea; Luke Shaw, Harry Maguire, Victor Lindelof, Aaron Wan-Bissaka; Nemanja Matic, Fred; Marcus Rashford, Bruno Fernandes, Daniel James; Anthony Martial.

Kaydka: Mason Greenwood, Axel Tuanzebe, Eric Bailly, Dean Henderson, Alex Telles, Brandon Williams, Shola Shoretire, Juan Mata, Amad Diallo Traore.

Faahfaahinta ciyaarta

Daqiiqaddiis shanaad ayay Manchester United gashay khatar weyn oo uu ka badbaadiyey goolhaye Davd de Gea, waxaana kubbd fooli ahayd oo uu Joelington ku qabtay uu goolhayaha reer Spain dirqi kaga saaray goolkiisa.

Marcus Rashford ayaa ciyaarta isbeddel ku sameeyey daqiiqaddii 30aad, markaas oo gool uu iskii usoo shaqaystay uu ula tegay difaaca Newcastle United, isla markaana uu kubadda kasii dhex saaray lugaha Krafth uu ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Karl Darlow, isagoo ciyaartana ka dhigay 1-0.

Kubaddan oo uu Harry Maguire usoo dhiibay, waxay Rashford u ahayd goolkiisii 40aad ee dhamaan tartamada ee uu dhaliyo tan iyo bilowgii xili ciyaareedkii hore, waxaana kaliya illaa waqtigaas ka goolal badan Raheem Sterling oo 44 gool dhaliyey Harry Kane oo 45 saxeexay iyo Mohamed Salah oo 47 gool u dhaliyey Liverpool.

Allan Saint-Maximin ayaa lix daqiiqadood oo kaliya kaddib, waxa uu Newcastle kusoo celiyey ciyaarta, iyadoo uu shabaqa United dhex dhigay kubbad uu Harry Maguire madaxa iskaga soo saaray.

Goolhaye De Gea oo hore kubbad tan oo kale ahayd uga badbaadiyey Allan Saint-Maximin ayaa markan waayey fursad uu iskaga joojiyo oo uu kooxdiisa hoggaanka ugu sii ilaaliyo.

Daqiiqaddii 57aad ayay Manchester United hoggaanka isku hubsatay, waxaana gool u dhaliyey Daniel James oo kubbad ka helay Bruno Fernandes.

Manchester United ayaa markaas kaddib waxay heshay rikoodhe iyadoo uu Rashford ku guuleystay inuu boobo kubbad dabacsanayd oo uu qaladkeeda lahaa Hayden, hase yeeshee Willock ayaa taako ku qabtay, sidaas ayaana rikoodhe loogu dhigay.

Bruno Fernandes oo kubadda qaatay ayaa gool u beddelay rikoodhaha, waxaanay sidaas Manchester United ku heshay saddexda dhibcood ee kulankan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*