Manchester United Oo Ku Tumatay Brighton, Fernandes & Greenwood Oo Wacdaro Dhigay & Reds Oo Kusoo Dhowaatay Chelsea

Manchester United ayaa kusoo dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay guul muhiim ah kasoo gaadhay Brighton oo ay ugu tagtay Amex Stadium.

Saddex gool oo ay dhaliyeen Mason Greenwood iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ku hoggaamiyey guul 3-0 ah oo ay kasoo gaadheen Brighton, taas oo ay kusoo yareeyeen farqiga dhibcaha kaalinta afraad ay kaga hayso Chelsea oo ay laba dhibcood ka dhigeen.

Mason Greenwood ayaa gool qurux badan ku furay gool-dhalinta ciyaarta, waxaana midka labaad ku daray Bruno Fernandes oo kubbad uu usoo dhiibay Paul Pogba ku liishaamay goolka uu waariyaha ka ahaa Mat Ryan, hase yeeshee difaaca Brighton oo ay kubaddu kusii dhacday ayaa dhinaca qaldan u diray goolhayah oo awoodi waayey inuu isasoo qabto oo uu kubadda badbaadiyo.

Fernandes ayaa qaybta labaad gool saddexaad kooxdiisa u dhaliyey, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay iyadoo aanay Brighton awood u yeelan inay goolka sharafta la timaaddo.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Paul Pogba, Nemanja Matic; Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Marcus Rashford; Anthony Martial.

Beddelka: Sergio Romero, Eric Bailly, Brandon Williams, Scott McTominay, Fred, Andreas Pereira, Juan Mata, Daniel James, Odion Ighalo.

BRIGHTON (3-5-1-1): Mat Ryan; Shane Duffy, Lewis Dunk, Dan Burn; Tariq Lamptey, Davy Propper, Dale Stephens, Yves Bissouma, Martin Montoya; Alexis Mac Allister; Aaron Connolly.

Beddelka: David Button, Bernardo, Ezequiel Schelotto, Pascal Gross, Aaron Mooy, Solly March, Leandro Trossard, Neal Maupay, Glenn Murray.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartan sameeyey siddeed beddel kmarka loo eego shaxdii uu kula ciyaaray Norwich kulankii FA Cup, waxaana uu kaydka dhigay Ighalo oo bandhig fiican sameeyey, halka uu dhexdana ku mataanaysiiyey Pogba iyo Fernandes.

Manchester United ayaa markiiba samaysay isku-dayo ay ku tijaabinayso goolhaye Mat Ryan, waxaana iska kaashaday Pogba iyo Fernandes, hase yeeshee kubadda ayaa ka dallacantay.

GOOAAALLLL Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayay Manchester United hoggaanka ciyaarta la wareegtay, waxaana gool qurux badan si farsamaysan u dhaliyey da’yarka Mason Greenwood oo laba ciyaartoy oo difaaca Brighton ah ku khalkhaliyey kubadda oo uu lugaha u dulmarmariyey, ka hor intii aanu dhinaca u dhow ee goolka toogan, halkaas oo uu goolhayuhuna awoodi waayey inuu tiigsashadiisa ku gaadho.

Goolkan ayaa ahaa kii 13aad ee Greenwood uu dhaliyey xili ciyaareedkan.

GOOOAAALLL 2-0. Burno Fernandes ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana uu shabaqa dhex-dhigay kubbad ay difaaca Brighton isku leexiyeen, taas oo uu Pogba ugu dhiibay diillinta ganaaxa dhexdeeda.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Manchester United leedahay, laakiin markii la iskugu soo noqday ayay haddana halkii ka bilaabeen bandhigga layaabka leh ee ay samaynayeen.

 

Tababaraha Brighton ayaa sameeyey bilowga qaybta dambe isbeddelo uu kusoo xoojinayo safkiisa, laakiin taasi kamay joojin weerarka daadka ah iyo isku-dhiibka khadka dhexe ay ka samaynayeen Pogba iyo Fernandes oo garab ka helayay Matic, halka ay Martial, Rashford iyo Greenwood ahaayeen laacibiinta aan la joojin karin ee difaacu raacistooda ku daaleen.

GOOOAAALLLL!!! Manchester 3-0 Brighton. Bruno Fernandes ayaa goolka saddexaad ee ciyaarta dhaliyey, waxaana uu shabaqa taabsiiyey kubbad uu ka helay Greenwood.

Manchester United ayaa samaysay fursad wanaagsan oo Wan-Bissaka uu ka shaqeeyey, sidoo kalena goolhaye David de Gea ayaa dedaal badan u sameeyey inuu goolkiisa ka leexiyo kubbad ay si qurux badan uga soo shaqeeyeen laacibiinta firfircoon ee dhamaystirku ka xumaa ee Brigton.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer waxa uu sameeyey isbeddello isaga oo keenay Ighalo, McTominay, Brandon Williams, Andreas Pereira iyo David James, laakiin waxba kumay soo kordhin natiijada ciyaarta oo kusoo dhamaatay 3-0.

Guushan waxay Manchester United siisay kulankii 15aad oo xidhiidh ah ee aan laga badin, waxaana ugu dambaysay inay khasaare la kulmaan horraantii bishii February, waxaanay libintan ugu dambaysay kusoo dhoweysay booska afraad oo ay Chelsea ka hooseeyaan laba dhibcood oo kaliya, halka ay Leicester City na u jiraan saddex dhibcood.

Manchester United waxay leedahay 52 dhibcood, Chelsea oo ka horreysa ayaa 54 haysata, halka Leicester ay kaalinta saddexaad ku hayso 55 dhibcood.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*