Manchester United Oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababtii Mason Greenwood Uga Maqnaa Kulankii Newcastle Xilli Uu Ganaax Ahaa Anthony Martial

Advertisements

Mason Greenwood ayaan xalay kasoo xaadirin garoonka St. James’ Park oo Manchester United ay 4-1 kusoo garaacday Newcastle United.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa 19 jirkan ka reebay liiska ciyaartoyda kooxdiisa oo sidoo kale ay ka maqnaayeen Anthony Martial oo ganaax ahaa iyo Edinson Cavani oo karantiil ku jiray.

Ole ayaa kusoo bilaabay Daviel James kulankiisii ugu horreeyey xili ciyaareedkan, waxaana la beddelay qaybtii dambe xilli ay ciyaartu isku dheeli-tirnayd oo Red Devils ay u baahnayd inay safkeeda firfircoonaysiiso.

Advertisements

Manchester United ayay u ahayd habeen wanaagsan oo ay 28 jeer goolka Newcastle United garaaceen, isla markaana ay 4-1 badiyeen, iyadoo ay bandhig wanaagsan ka samaynayeen khadka dhexe juan Mata, James iyo Bruno Fernandes oo sidoo kale ay qaab cajiib ah u wada shaqaynayeen Marcus Rashford.

Jamaahiirta kooxda ayaa is weydiinayay sababta Mason Greenwood uu ku maqan yahay iyadoo aanay kooxdu wax war ah kasoo saarin, laakiin tababare Ole Gunnar Solskjaer oo ka hadlay ayaa yidhi: “Mason taam ma ahayn, markaa waa inaanu ka nimaado, waxaananu rajaynaynaa inuu si degdeg ah usoo kaban doono.”

Solskjaer oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Weerar ahaan, waxaan ku fikiray in Dan uu orod badan yahay oo uu dhibaato ku abuuri karayo kooxaha, Juan iyo Bruno na ay yihiin kuwo maskax badan oo fursado noo abuuri karaya, intan in ka badanna waanu dhalin karaynay.”

Si kastaba, Manchester United ayaa toddobaadkan ay sugaysaa ciyaar adag oo ay PSG ugu tegayso magaalada Paris, waxaanay rajaynaysaa inay dib u heli doonto xiddigaheeda oo dhan.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*