Manchester United Oo Difaaca Mustaqbalka Weyn Ee Upamecano Ku Garaacaysa Real Madrid, Arsenal Iyo Barcelona

Advertisements

Manchester United ayaa u dhaqaaqday sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd difaaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano, kaddib markii ay ku guuleysatay saxeexa kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Donny van de Beek.

Red Devils ayaa xaqiijisatay saxeexa kubbad-sameeyaha Ajax ee Van de Beek oo ay £40 milyan oo Gini kaga soo qaadanayso Ajax, waxaanu xili ciyaareedka cusub ka garab ciyaari doonaa Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Sida ay sheegtay warbaahinta ESPN, tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa markii ay u caddaatay in Van de Beek uu ka mid noqday liiska ciyaartoydiisa, waxa uu u dhaqaaqay difaaca dhexe ee reer France ee Upamecano oo uu doonayo inuu ka garab ciyaarsiiyo kabtan Harry Maguire.

Advertisements

21 jirkan wacdaraha ka dhigay horyaalka Bundesliga iyo tartanka Champions League xili ciyaareedkii tegay oo ay kooxdiisu soo gaadhay semi-finalka, waxay Red Devils kalsooni ku qabtaa in saxeexiisa ay ku garaaci doonto Real Madrid, Barcelona iyo Arsenal oo si weyn u doonayay.

Suuqa iibka ciyaartoyda oo xidhmaya October 5, waxay Manchester United inta ka horreysa doonaysaa inay illaa saddex ciyaartoy oo kale lasoo saxeexato, waxaana ugu horreeya Upamecano oo heshiiska uu kula jiro RB Leipzig lagu burburin karayo £53 milyan oo Gini, balse United ayaa doonaysa in qiimaha la gaadhsiiyo illaa £37 milyan.

Haddii Upamecano uu yimaaddo Old Trafford, waxa Solskjaer uu heli doonaa fursad uu ku tartansiiyo ciyaartoydiisa difaaca dhexe iyadoo Eric Bailly iyo Victor Lindelof uu kula loollami doono midkooda kusoo garab bilaabnaya Harry Maguire.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*