Manchester United Oo Dalab Lama Filaan Ah Ka Gudbisay Goolhayaha Leicester City Ee Kasper Schmeichel

Advertisements

Manchester United ayaa si lama filaan ah u dalbatay goolhayaha kooxda kubadda cagta Leicester City ee Kasper Schmeichel, kaas oo ay doonayso inuu u beddelo David de Gea.

Kasper Schmeichel oo ahaa canug yar oo kusoo dhex barbaaray Old Trafford xilligii uu aabbihii u ciyaarayay Manchester United, ayay Red Devils dalab weyn oo aanay cidina filaynin ka gudbisay, si uu goolhayaha koowaad ee kooxda uga beddelo David De Gea oo uu tababare Ole Gunnar Soslkjaer ka niyad jabay qaladaadkiisa faraha badan ee guul-darrooyinka u horseeda kooxda mararka qaarkood, taas oo ay ugu dambeeyeen waallidii uu ka sameeyey kulankii semi-finalka FA Cup oo Chelsea uu laba gool usii daayay.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, Manchester United waxay bartilmaameedsanaysaa Kasper Schmeichel, iyadoo uu Dean Henderson oo amaah ugu maqan Sheffield United aanu gaadhsiisnayn heerka tayada ay uga baahan yihiin goolhayeyaasha Manchester United laga doonayo.

Advertisements

Warku waxa uu sheegay in inkasta oo uu Kasper Schmeichel yahay 33 jir oo uu weyn yahay, uu haddana yahay xalka degdegga ah maadaama ay ku adag tahay inay helaan Jan Oblak oo ay Atletico Madrid ku xidhay £109 milyan oo Gini, waqtiganna ay adag tahay in lacag intaas le’eg lagu bixiyo.

Tababare Solskjaer ayuu wargeysku tibaaxay in aanu kalsooni ku qabin tayada ciyaareed ee Henderson oo ah 23 jir la filayo in Old Traffrord lagu soo celiyo xagaagan iyadoo ay dhinaca kale miiska saaran tahay dalab ay Sheffield United ku doonayso inay sannad kale kusii haysato oo ay United wali ka fiirsanayso wixii ay ka yeeli lahayd.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*