Manchester United Jidka Guusha Kusoo Laabtay, Fernandes Oo Rikoodhe Khaariyey Iyo Musalsalkii Newcastle

Advertisements

Manchester United ayaa jidka guusha kusoo laabatay waxaanay 4-1 ku garaacday Newcastle United kulan uu rikoodhe khasaariyey Bruno Fernandes.

Newcastle United ayaa la hor martay gool uu iska dhaliyey Luke Shaw daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta, waxaana goolkaas soo beday Harry Maguire oo madax ugu barbarreeyey kooxdiisa.

Man United ayaa rikoodhe iska khasaarisay, waxaase qaybtii labaad guusha u hoggaamiyey Bruno Fernandes, Aron Wan-Bissaka iyo Marcus Rashford oo ilbidhiqsigii ugu dambeeyey shabaqa soo taabtay.

Advertisements

Shaxda labada kooxood

MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David de Gea; Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire, Luke Shaw; Scott McTominay, Fred; Juan Mata, Bruno Fernandes, Daniel James; Marcus Rashford.

Kaydka: Eric Bailly, Nemanja Matic, Donny van de Beek, Dean Henderson, Odion Ighalo, Paul Pogba, Alex Telles.

NEWCASTLE UNITED (4-4-2): Karl Darlow; Emil Krafth, Jamaal Lascelles, Federico Fernandez, Jamal Lewis; Jeff Hendrick, Jonjo Shelvey, Isaac Hayden, Allan Saint-Maximin; Callum Wilson, Joelinton.

Kaydka: Andy Carroll, Jacob Murphy, Ryan Fraser, Mark Gillespie, Miguel Almiron, Fabian Schar, Javier Manquillo.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa shan isbeddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Tottenham kulankii ugu dambeeyey, waxaanu kusoo bilaabay Juan Mata, McTominay, James iyo Lindelof, halka uu kaydka dhigay Pogba iyo sidoo kale Anthony Martial oo ganaax ku maqan.

Newcastle United ayaa ciyaarta oo socota laba daqiiqadood oo kaliya heshay gool hadiyad ah oo uu iska dhaliyey L;uke Shaw oo isku dayayay inuu difaaco kubbad uu soo laaday Krafth oo bannaanka xerada ganaaxa joogay, waxaanay kooxda garoonkooda joogtay u dabbaal-degtay goolka uu Shaw u dhaliyey.

Manchester United ayaa daqiiqaddii 20aad uu gool qurux badan u dhaliyey Bruno Fernandes oo bannaanka xerada ganaaxa ka toogtay, laakiin VAR oo laga soo daawaday ayaa waxa lagu go’aamiyey inuu ku jiray offside saaxiibkii Juan Mata oo kubadda caawiye ka ahaa.

GOOOOOOAAAAALLLLL Newcastle 1-1 Manchester United!! Harry Maguire ayaa Man United madax ugu dhaliyey kubbad koorne ahayd oo lasoo laaday, taas oo uu dhawr tallaabo oo orod ah hore ugu soo qaaday si uu uga hor madaxeexyo ciyaartoydii ka horreeyey.

Marcus Rashford ayaa dhawr fursadood oo cajiib ahaa sameeyey, waxaana uu laadad xooggan ku miisaamay laakiin nasiibkiisa ayaan u ogolaanin in midkoodna ay shabaqa gasho.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro, waxaana ay labada kooxood u baxeen nasasho iyo inay lasoo tashadaan tababareyaashooda si ay tilmaan iyo wax ka beddelo taatikadooda ah ula yimaaddaan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa soo siiyey farsamooyinkii ay ku garaaci lahaayeen Newcastle United waxaana ay khadka dhexe iyo dhinacyada ka abaabuleen weerarrro degdeg ah, kuwaas oo keenay in Red Devils loo dhigo rikoodhe daqiiqaddii 59aad.

Bruno Fernandes ayaa rikoodhaha dul istaagay, waxaana uu toogtay dhinaca midig, laakiin goolhaye Darlow ayaa kubadda si fiican u raacay oo goolkiisa kasoo difaacay.

Marcus Rashford ayaa dhaliyey gool kale, waxaana isaga oo dhulka jiifa oo aan dabbaal-degga bilaabin uu arkay kaaliyaha garsooraha ee dhinaciisa midig taagnaa oo calanka sii taagaya, isla markaana tilmaamaya Offside.

Daqiiqaddii 85aad!! Kubbad uu soo farsameeyey Van de Beek oo beddel kusoo galay ayaa waxay lugta u gashay Marcus Rashford oo orod isla soo dhigay illaa xerada ganaaxa Newcastle United, waxaanu u dhiibay Fernandes oo isaguna dhabarkiisa ordayey.

Laacibka reer Portugal ayaa dhinaca kale ku toogtay kubaddii lugtiisa ku jirtay, waxaanay si xarrago leh u gashay shabaqa dhexdiisa.

Allah muxuu gool ahaa.

GOOOAAAALLL!!! Aaron Wan-Bissaka ayaa daqiiqaddii 90aad kooxdiisa Manchester United u dhaliyey goolka saddexaad, waxaanay ahayd kubbad uu kasoo shaqaystay garabka midig oo uu dhexda uga dhiibtay Rashford oo isaguna usii taraarixiyey, taas oo uu laag awood badan ku dhaafiyey goolhayaha.

Ilbidhiqsigii ugu dambeeyey ciyaarta ayuu Marcus Rashford oo gool raadinayay isku qoray diiwaanka gool-dhalinta ee ciyaartan, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad weerar degdeg ahayd oo markii badhtamaha garoonka lasoo dhigayna uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*