Manchester United iyo Shenghai Shenhua Oo U Dhow Inay Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhaan Odion Ighalo

Advertisements

Odion Ighalo ayaa qarka u saaran inuu heshiis rasmi ah u saxeexo Manchester United, kaddib markii ay bilaabmeen wada-hadallo u dhexeeya labada kooxood ee United iyo Shanghai Shenhua.

Weeraryahanka reer Nigeria ayaa tan iyo intii uu Old Trafford tegay soo bandhigay ciyaar cajiib ah, waxaanu dhaliyey afar gool iyo mid uu caawiyey kaliya siddeed kulan oo waliba saddex ka mid ah uu kusoo bilowday.

Sida uu qoray wargeyska Titan Sports Plus ee kasoo baxa China, kooxda Shanghai Shenhua waxa dib ugu soo laabanaya Obafemi Martins oo kooxdaas hore ugu ciyaaray muddadii u dhaxaysay 2016 iyo 2018, 40 ciyaarood oo horyaalka ahna u dhaliyey 19 gool, laakiin waxa uu iskaga tegay markii ay dhaawacyo ragaadiyeen.

35 jirkan ayuu wargeysku sheegay in ku laabashadiisa Shanghai Shenhua ay ka dhigan tahay inuu door muhiim ah ka qaadan doono sidii ay kooxdu u iibin lahayd Ighalo oo uu ugu biiri lahaa Manchester United oo uu hadda amaah kula joogo.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa hore u muujiyey inuu doonayo in heshiiska Ighalo uu ka dhigo mid rasmi ah oo uu Old Trafford kusii hayo, waxaanu qiray inuu leeyahay tayadii iyo taatikadii looga baahnaa ciyaartoy afka hore uga dheelaya United.

Sida ay wararku sheegayaan Manchester United, waxay diyaar la tahay 15 milyan oo Gini oo ay u bandhigi doonto Shanhai Shenhua, laakiin lama oga haddii ay kooxdaasi ogolaan karayso lacagtan iyo haddii ay mid ka badan ka doonayso Red Devils.

Comments are closed.