Manchester City Oo Loo Sheegay Inay Sergio Aguero Ka Iibiso PSG & Sababta Oo La Sharraxay

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa loo sheegay inay weeraryahankeeda Sergio Aguero ka iibiso kooxda reer France eeParis Saint-Germain xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in tababare Mauricio Pochettino uu laacibkan ka dhigtay bartilmaameedkiisa.

Aguero oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey dib u dhigeen bandhiggiisa dhaawacyo soo noqnoqday, ayaa waxa mar kale haleelay Fayraska Korona oo ka joojiyey inuu kulamada usbuucan iyo midka dambeba qayb ka noqdo.

Goolhayihii hore ee Manchester City ee David James ayaa usoo jeediyey kooxdiisa hore inay iska iibiyaan Aguero bishan January ee aynu ku jirno ka hor inta aanu si xor ah uga tegin dhamaadka xili ciyaareedka.

Goolhayahan hore ee reer England ayaa dareensan in City ay u wanaagsan tahay inay iibiyaan Aguero oo ay xoogaa lacag ah ka helaan halkii ay kusii dhegsanaan lahaayeen isagoo dhaawacan, marka uu xili ciyaareedku dhamaadana uu si bilaash ah uga tegi lahaa.

“Angiu waxaan u ogolaan lahaa inuu tago, sababtoo ah. Tani kama dhigna in wax laga qaadayo isaga, waxaanu yahay, mar walbana sii ahaanayaa halyeyga Manchester City.

“Waxa jirta mar aad isaga isku hallaynayso oo aanad hore u socon karayn la’aantii, laakiin waxay City mcaddaysay inay socon karto isaga la’aantii.”

David James oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Haddii aad xoogaa lacag ah kaga geli karaysaan PSG idinkoo waliba tixgelinaya inta jeer ee uu dhaawacmay, iska qaata.”

Aguero ayaa kasoo muuqday kaydka kulamadii Chelsea, Arsenal iyo Newcastle United, kulan caadi ahna uguma soo bilaabanin Manchester City tan iyo bishii October.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*