Manchester City Oo Hoos Loogu Celinayo Heerka Afraad Ee League Two, AFAR Sannadood Oo Ay Champions League Ka Maqnaan Karto Iyo Sida Arrintani Ku Dhacayso

Advertisements

Manchester City ayaa gashay xaalad aan al saadaalin karin, kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ay laba sannadood ka ganaaxday labada tartan ee Champions League iyo Europa League.

Kooxda haysata horyaalka Premier League ayaa lagu helay inay gashay dembiyo halis ah oo ay jabisay shuruucda maaliyadda, isla markaana ay musuq badan iyo heshiisyo la buunbuuniyey oo lacago waalli ah qaab aan habboonayn looga helay ay kooxdu samaysay sannadihii ugu dambeeyey, taas oo jeeddadu ahayd inay kaga badbaaddo in UEFA ay ganaax saarto.

Warbaahinta Ingiriiska, gaar ahaan caddadadii soo baxay sakaa oo Sabti ah ayaa waxay shaaciyeen qorshaha UEFA ee niyad-jabka ku abuuraya Manchester City, kaas oo gebi ahaanba ka tirtiraya horyaalka Premier League oo aanay ka ciyaari doonin labada xili ciyaareed ee soo aaddan.

Sida uu qoray wargeyska Express, UEFA waxay doonaysaa in xidhiidhka kubadda cagta Enlgand uu ku waafaqo ciqaabista kooxdan si ciyaaruhu u noqdaan kuwo ka madax-bannaan musuqmaasuqa iyo marin habaahinta, isla markaana ay jiilasha dambe tusaale ugu noqdaan maamul wanaag, cadcaddaan iyo khiyaamo la’aan.

Ganaaxa labada sannadood ah ee haddaba lasoo dhigay, waxa uu macnihiisu yahay in Manchester City laga jari doono dhibco ugu yaraan geyn kara badhtamaha miiska kala-sarraynta Premier League, hase yeeshee sida wargeyska Express ay u xaqiijiyeen khubaro shuruucda ciyaaraha ku xeel-dheeer, Macnehster City waxa lala damacsan yahay qorshe ciqaab adag lagu marsiinayo oo sabab u noqonaya in ay gebi ahaanba kooxda hadda iyoo ciyaaryahannadeeda inta ugu badan ku kala yaacaan.

Qorshahan ayaa waxa uu yahay in UEFA ay doonayso in Manchester City loo celiyo heerka afraad ee League Two, taas oo xattaa kasii hoosaysa Chapionship-ka oo ah heerka labaad ee England iyo League One oo ah heerka saddexaad.

Sababta ay City ugu degayso League two, ayaa waxay tahay in dhowaan maamulka ciyaaraha England uu beddelay shuruucdii u yaallay ee lagu dhaqi jiray ciyaaraha, kaas oo laga dhigay in koox kasta oo lagu helo dembi noocan oo kale si toos ah loogu diro heerka afraad, iyadoo laga sii hoos marinayo Championship-ka iyo League one, waxaanay hore sidan oo kale ugu dhacday kooxaha Grimsby Town, Forest Green iyo Port Vale oo lagu tuuray halkaas.

Advertisements

Haddii sidan lagu sameeyo, Manchester City waxay hal sano usoo dagaallami doontaa inay usoo dallacdo heerka saddexaad ee League 1, sannadka xigana waxay halgan usoo geli doontaa inay timaaddo Championship-ka, halka ay sannadka saddexaadna usoo dallici karto Premier League, taas oo ka dhigan in muddo afar sannadood ah aanay ka ciyaari doonin Champions League.

Musiibada ku dhacday City, waxa ka faa’iidaysanaya kooxo waqtigu ku adkaa oo kaalmaha shanaad ku tartamayey, waxaana haddaba boosas caddaan ah oo ay Champions League xili ciyaareedka dambe kga qayb-galaan jooga Liverpool, Leicester City, Chelsea iyo Sheffield United, hase yeeshee, Tottenham ayaa iyaduna kaalinta shanaad kula loollami karta Sheffield United si ay uga qayb-gasho Champions League.

Comments are closed.