Manchester City Oo Cabsi Xoogan Ka Qabta In Jamaahiirta Liverpool Ay Ku Celiyaan Dhibtii Ay Sanadkii Hore Geysteen Ka Hor Kulanka Anfield.

Advertisements

Kooxda Manchester City ayaa ka cabsi qabta in mar kale ay jamaahiirta Liverpool weerar u geystaan bus-ka kooxdooda ka hor kulanka ay Anfield ka dhici doona Axadda.

Bus ay saarnaayeen ciyaartoyda Citizens ayaa lagu weeraray dhalooyin iyo bulaleer taasoo cabsi xoog leh galisay ciyaartoyda, jamaahiirta Liverpool ayaana sameeyay kulan ka tirsan koobka UEFA Champions League oo dhacay 19-bilood ka hor.

Dhaawacyo ayaa la gaarsiiyay bus-kii ay saarnaayeen waxeyna taas keentay iney mid kale qaataan markii ay u laabanayeen gurigooda, inta la xasuusto murayadaha ayaa laga dhibaateeyay Bus-ka.

Liverpool ayaa kulankaas 3-0 guusha ku heshay, mar kale kooxda difaacaneysa waxey baqdin ka qabaan in dhibaato kale lagu gaarsiiyo banaanka hore garoonka Anfield.

Kooxda uu hogaamiyo Pep Guardiola ayaa walwal badan dareemeysa, maadaama jamaahiirta Reds ay durba bilaabeen fariimo ay soo dhigayaan baraha bulshada taasoo loogu diyaar garoobayo kulanka Axadda.

Advertisements

Waxaa lasoo dhigay fariimo loogu boorinayo jamaahiirta Reds iney cabsi galiyaan ciyaartoyda Man City, wadooyinka ayey safan doonaan iyagoo soo qaadan doona calamo iyo boorar si ay martida usoo dhaweeyaan, waana sidii dhacday April 2018.

Wixii dhacay dhawr bilood ka hor Liverpool waxey ku mudatay ganaax lacageed oo kaga yimid UEFA, sidoo kalana raaligalin ayey bixiyeen iyadoo Jurgen Klopp uu arintaas ka hadlay.

Comments are closed.