Man United vs PSG Iyo Kulamada Premier League Oo Halis Ugu Jira In La Baajiyo Iyo Cristiano Ronaldo Oo Sabab U Noqon Kara

Advertisements

Ka dib markii uu Cristiano Ronaldo ku dhacay cudurka Korona Fayras waxaa cabsi ay gashay maamulka Premier League oo ka baqaya inuu cudurka ku dhex faafo ciyaartoyda.

Xiriirka kubada cagta Portugal ma aysan shaacinin waqtiga rasmiga ah ee Ronaldo laga helay Korona Fayras, laakiin warka waxa uu soo baxay kaliya maalmood ka dib markii ay Paris kula ciyaareen xulka France.

Ronaldo ayaa u muuqday mid fiican habeenkii Isniinta isagoo sawir la galay xiddigaha kale ee xulka Portugal oo ay hal goob kuwada casheeyeen.

Advertisements

Ka hor kulankooda Sweden ee caawa ayay xulka Portugal xaqiijiyeen in Ronaldo laga helay Korona Fayras islamarkaana la baaray xiddigaha kale ee xulka balse laga waayay.

Waxaa haatan jira walaac ku saabsan haddii uu Ronaldo cudurka u gudbiyay xiddigaha Faransiiska intii ay socotay ama ka dib ciyaartii Paris.

Goolhayaha Tottenham Hugo Lloris, xiddigaha Chelsea N’Golo Kante iyo Olivier Giroud, xiddigaha Man United Paul Pogba iyo Anthony Martial iyo  xiddiga Everton Lucas Digne ayaa dhamaantood u dhawaaday Ronaldo.

Xiddigaha Portugal ee ka ciyaara Premier League ayaa iyagana la nasasiiyay ka hor kulanka Sweden iyadoo xiddigaha Man United Bruno Fernandes uu seegi karo afar kulan.

Xiddigaha la nasasiiyay waxaa ka mid ah xiddigaha Manchester City Ruben Dias, Bernando Silva iyo Joao Cancelo, xiddigaha Wolves Ruben Neves, Rui Patricio, Nelson Semedo iyo Daniel Podence, Fernandes iyo xiddiga Liverpool Diogo Jota.

Ronaldo ayaa la arkayay isagoo kula hadlaya ciyaartoyda xulka Faransiiska garoonka dhexdiisa iyo qolka labiska gaar ahaan xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Kooxda Faransiiska ayaa haatan ka walwalsan xaalada caafimaad ee weeraryahankooda.

Paris Saint-Germain ayaa la ciyaareysa Manchester United kulanka Group H ee Champions League habeenka Talaadada.

Ronaldo ayaa sidoo kale la arkay isagoo salaamaya oo la hadlaya dhowr caruur ka hor inta aysan ciyaarta bilaabanin.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*