Man United Oo Xasuuqday Kooxda Heerka Saddexaad Ee Tranmere Rovers Kulan Ay Shabaqa Soo Taabteen Lingard & Jones.

Advertisements

Man United ayaa nus darsan goolal ah kaga badisay kooxda heerka saddexaad ee Tranmere Rovers kulan ka tirsan koobka FA Cup-ka oo ay labada kooxood ku ciyaareen garoonka Prenton Park.

Red Devils oo dhibaato ku dhex jirtay kulamadii ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan ayaa guul weyn gaartay, waxaana goolasheeda saddex ka mid ah dhaliyay ciyaartoy daafaca kaga ciyaarta.

Maguire ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kooxda tan iyo markii uu noqday daafaca ugu qaalisan kubadda cagta xagaagii laga soo gudbay wuxuuna dhaliyay kubad uu ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Red Devils ayaa goolkeeda labaad heshay saddex daqiiqo kadib markii Dalot uu kubad ka helay Martial, si qurux badan ayuu xiddig ugu gooyay ka hor inta uusan shabaqa kubad awood leh ku shubin.

Sidoo kale waxaa qeybta hore ciyaarta saddex gool raacsaday Jesse Lingard, Phil Jones iyo sidoo kale Anthony Martial.

Advertisements

Mason Greenwood ayaa dhaliyay rigoore, wuxuuna ahaa goolkii ugu dambeeyay ay Man United ka dhaliso kulanka.

Guul weyn ayey Red Devils gaartay waxeyna iska xaadirisay wareega 5-aad ee koobka FA Cup-ka oo isku aadkiisa la sameyn doono berito.

Comments are closed.