Man United Oo Xagaagii Heshiis 150 Milyan Ah La Gaartay Wakiilka Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Barcelona – Maxaa Burburiyay Heshiiska?

Advertisements

Manchester United ayaa lagu waramayaa inay ogolaatay inay 150 milyan euro oo u dhiganta 133 milyan ginnu kula soo wareegto Ansu Fati xagaagii la soo dhaafay iyagoo heshiiska la gaaray wakiilkiisa Jorge Mendes laakiin Barcelona ayaa diiday inay qalinka ku duugto heshiiska.

United ayaa dooneysay inay la saxiixato 18 jirkaan kaasoo ka mid ah xiddigaha da’ yar ee ugu fiican dunida.

Manchester United agreed a deal worth £133million for Ansu Fati with his agent Jorge Mendes

Sida ay sheegtay jariirada Sport tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay inuu keensado xiddiga garabka ka ciyaara ka dib markii uu ku guuldareystay saxiixa xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Advertisements

United ayaa isku dayday inay lacag qaali ah ku keensato Fati inasktoo dhibaato dhaqaale ay heysato. Waxay qarka u saaran yihiin inay qasaaraan xilli ciyaareedkan ku dhawaad 200 milyan ginni.

Fati ayaa qandaraaskiisa Barcelona lagu burburin karaa 400 milyan euro oo u dhiganta 357 milyan ginni.

Da’ yarkaan ayaa durbaba 43 kulan u saftay kooxda Barcelona isagoo u dhaliyay 13 gool islamarkaana caawiye ka noqday shan gool kale.

Waxaa intaas sii dheer in Fati uu qeyb ka noqday xulka Spain oo uu u saftay afar jeer.

Si kastaba, wuxuu haatan ku maqan yahay dhaawac halis ah oo garoomada ka ilaalinaya muddo afar bilood ah.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*