Man United Oo Mid Kamida Da’yarta Ugu Fiican Qaarada Yurub Ka Dhigatay Bar-Tilmaameedkeeda Koowaad Ee Suuqa Kala Iibsiga & Dhibka Uu Ka Xalin Doono.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan diiradiisa suuqa kala iibsiga u leexiyay dhinaca da’yarka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Manchester ayaa haatan si aad ah ciyaartoy khad dhexe ah oo hal abuur leh kaddib markii ay aad u yaraatay fursad abuuristoodu iyadoo uu dhaawac kaga maqan yahay Paul Pogba sidoo kalena uusan bandhig fiicnayn Juan Manuel Mata.

Image result for Kai Havertz"

Wargeyska laga leeyahay England ee Daily Star ayaa shaaca kaga qaaday warbixin cusub in 20 sano jirkani uu yahay bar-tilmaameedka halka ugu sarreysa kaga jira liiska xiddigaha uu suuqa ka doonayo Ole.

Tababaraha ree Norway iyo guddoomiye ku xigeenka Red Devils ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inay doonayaan inay dalab £80 Milyan ah ka gudbiyaan Havertz kaddib dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Havertz oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Bayern Munich ayaa kamida xiddigaha da’yarta ah ee khadka dhexe kuwooda ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Advertisements

Kulankii ugu dambeeyay ee ay United guuldarrada kala soo kulantay Bournemouth iyo inta badan kulamadooda xilli ciyaareedkan ee uu ka maqan yahay Pogba ayaa si weyn looga dareemayaa inay ku adagtahay inay fursado wax ku ool ah abuuraan.

Si kastaba ha ahaatee, Havertz ayaan ahayn xiddiga kaliya ee suuqyada soo socda lala xidhiidhinayo Manchester, Waxa ay sidoo kale ku raad-joogaan xiddigo ay kamid yihiin Timo Werner oo ka tirsan RB Leipzig iyo weeraryahanka baxsadka ka ah Juventus ee Mario Mandzukic.

Comments are closed.