Man United Oo Loogu Maadsaday In Amaahda Badan Ee Lagu Yeeshay Awgeed Ayna La Soo Saxiixan Karin Jadon Sancho.

Kadib markii maanta si rasmi ah loo shaaciyay laf jabka dhaqaale ee soo gaadhay Manchester United waxay taageerayaasha kooxaha Premier league ku maadsadeen United sida ayna dhaqaale ahaan u awoodi doonin xidigii inta ugu badan lala xidhiidhinayay ee Jadon Sancho.

Daynta lagu leeyahay Manchester United ayaa gaadhay £429 milyan gini waxayna markii hore ahayd  £127.4 milyan gini taas oo muujinaysa dhaqaale burburinka Old Trafford soo gaadhay.

Markii uu soo baxay warka sheegayay in Man United ay noqotay koox daymaysan waxay taageerayaasha kooxaha kale bilaabeen in ay jamaahiirta United iyo kooxdooda ugu maadsadaan lacag la’aanta ay ku waayi doonaan saxiixa xidiiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Maalmo dhawayd waxay warbaahinta England soo bandhigtay shaxda macquulka ay ee ay Man United xili ciyaareedka cusub ku soo shirtagi karto waxaana ka mid ahaa Jadon Sancho laakiin hadda xaalada ayaa isbadashay markii lacagta lagu leeyahay United la soo bandhigay.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa falcelintii ay taageerayaasha kooxaha waa wayn ee Premier league ka sameeyeen daynta Man United lagu yeeshay ee sababta u noqon karta in ayna 100 milyan kula soo saxiixan karin Jadon Sancho.

Taageere jamaahiirta Man United iyo kooxdooda ugu maadsanaya amaahda lagu yeeshay ayaa soo qoray: “Hadda jamaahiirta Man United wajigooda ayay qaran doonaan waxaana hadda la soo bandhigay ciwaanka sirta kooxdooda. Waa rasmi-idinku ma haysataan lacagtii aad ku iibsan lahaydeen Sancho”.

Taageere kale ayaa isna soo qoray: “Ooooff. Ka fikir in ay Man United shaqaale dhimis samayso. Waxaa jira qaar taageerayaasha ah oo wali doonaya in xili ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo waxayna wali ka fikirayaan in ay heli karaan Sancho. Waa dayn il qabasho leh”.

Taageere Chelsea ah oo ku maadsanaya xaalada Man United ayaa soo qoray: “Laakiin…. laakiin Sancho waxa uu imanayaa United!!!!!!!! Dhamaantiin waxaan idiin sheegay dhawr todobaad ka hor in Chelsea ay markastaba tartanka ku fiican tahay isla markaana aanu farayska faafay waxba yeelayn Chelsea, laakiin Chelea ayaa tartanka hogaaminaysa”.

Isla taageere kale oo Chelsea ah ayaa isaga oo kaftamaya waxa uu soo qoray: “Laakiin iyada oo la tixgalinayo taageerayaasha Man United ee iibkii kooxdooda, waxay si fiican u awoodaan Sancho, Kane, Grealis iyo Koulibaly!!”

Taageere Liverpool ah oo isna ku maadsanaya xaalada Man United ayaa soo qoray: “United dhiiqo ayay dhex gashay. Taageerayaashoodu waxay xaqiiqdii u malaynayeen in ay helayaan Sancho!!!”.

Intan oo kaliya ma aha balse baraha bushada ayaa Man United loogu maadsaday markii uu soo baxay warka lama filaanka ku noqday taageerayaasha kubbada cagta ee ah in ay Man United daymaysan tahay.

Man United ayaa si xoogan loola xidhiidhinayay ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin  Jadon Sancho, Jude Bellingham, Jack Grealish iyo James Maddison laakiin lacagta xad dhaafka ah ee ee amaahda loogu yeeshay ayaa hoos u dhigaysa in ay lacago badan suuqa galin karaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*