Man United Oo Laga Reebay FA Cup, Iheanacho Oo Cashar U Dhigay & Isku Aadka Semi-finalka FA Cup Oo La Xaqiijiyay

Manchester United ayaa laga reebay koobka FA Cup ka dib markii ay caawa guuldarro 3-1 ka soo gaartay kooxda Leicester City oo marti loo ahaa iyadoo xiddigii hore ee Man City Iheanacho uu dhaliyay labo gool.

Advertisements

Leicester ayaa hogaanka ku hormartay markii uu shabaqa u soo taabtay Iheanacho ka hor inta uusan Man United u barbareynin Greenwood laakiin Leicester waxaa hogaanka ku soo celiyay Tielamans ka hor inta uusan Iheancho guusha xaqiijin. Waa markii ugu horeysay tan iyo 1982dii ee ay Leicester u soo baxdo semi-finalka FA Cup.

Leicester ayaa u soo baxday semi-finalka oo ay la ciyaari doonaan Southampton halka kulanka kale ee semi-finalka ay dheeli doonaan kooxaha Chelsea iyo Man City iyadoo la ciyaarayo isbuuca ka bilaabanaya 17ka bisha April.

Leicester City ayaa ciyaarta ku bilaabatay si fiican iyagoo weerar isdaba joog ah ku qaaday goolka Manchester United ilaa iyo ay hogaanka ka qabteen daqiiqadii 24aad markii uu xiddigii hore ee Man City Iheanacho uu shabaqa ka soo taabtay.

Advertisements

Goolka ayaa ahaa hadiyad uu ay Man United siisay Leicester ka dib markii Maguire uu kubad u baasay Fred kaasoo damcay inuu baas u celiyo goolhayaha balse ka gaabiyay, waxaa dhexda ka qabsaday Iheanacho oo kubada la garab maray goolhaye Henderson islamarkaana shabaqa cusjiyay.

Man United ayaase barbareysay ciyaarta daqiiqadii 39aad markii kubad uu soo dhigay Pogba uu Van de Beek uga wareegay Greenwood kaasoo shabaqa ku hubsaday ciyaarta ka dhigay in lagu kala nasto barbaro gool iyo gool ah.

Leicester ayaa mar kale si dardar leh ku bilaabatay qeybtii labaad iyagoo hogaanka ku soo noqday daqiiqadii 52aad markii baasas ay xiddigaha Leicester isku weydaarsadeen bartamaha garoonka ay keentay inuu kubada soo jiido xiddiga reer Belgium Tielmans kaasoo iska soo dhexmaray xiddigo badan ka hor inta uusan kubad dhulka ku socota dabamarinin goolhaye Henderson.

Jamie Vardy ayaa Leicester City ka qasaariyay fursad gool loo fishay daqiiqadii 58aad ka dib kubad rogaalcelis ah oo ay soo qaadeen isagoo la dul tagay goolhayaha balse dhinac mariyay goolka.

Tababare Solskjaer ayaa afar bedel sameeyay isagoo soo geliyay Fernandes, Cavani, McTominay iyo Shaw. Wuxuu bixiyay afar xiddig oo si liidata u dheelay Van De Beek, Pogba, Matic iyo Telles.

Inkastoo bedelka ka dib ay ciyaarta Man United isbedeshay hadana Leicester City ayaa ku guuleysatay inay ciyaarta disho daqiiqadii 78aad markii uu Iheanacho dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Laad xor ah uu soo qaaday Albrighton ayaa waxaa ka gaabiyay inuu difaacdo McTominay taasoo keentay in Iheanacho uu madax ku dhaliyo ciyaarta ka dhigo 3-1 oo ay Leicester City ku badisay.

ISKU AADKA SEMI-FINALKA FA CUP:

Chelsea vs Man City

Leicester City vs Southampton

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*