Man United Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Dhabarka U Saarisay Jose Mourinho Xilli Ay Tottenham Ku Garaaceen Old Trafford

Advertisements

Manchester United ayaa guul weyn waxa ay Old Trafford uga gaartay kooxda Tottenham oo ay 2-1 ku garaaceen iyagoo guuldarro ku soo dhaweeyay macalinkoodii hore Jose Mourinho.

Man United oo barbaro gashay labadii kulan ee ugu danbeysay ayaa caawa waxa ay xaaqeen kooxda Tottenham iyagoo uga mahadcelinaya labo gool uu u dhaliyay weeraryahankooda Marcus Rashford.

Tababare Mourinho ayaa isna dhadhamiyay guuldaradii ugu horeysay ee tan iyo markii uu noqday macalinka kooxda Tottenham, waxayna guuldarro ka soo gaartay kooxdii ceyrisay sannadkii hore waqtigaan oo kale.

Tababare Solskjaer ayaa waxaa kulankaan ka maqnaa Anthony Martial iyo Paul Pogba laakiin waxaa shaxda kooxda ku soo laabtay Scott McTominay oo dhaawac ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa wacdarro dhigay weeraryahanka Ingariiska Marcus Rashford kaasoo kooxdiisa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 6aad isagoo kubad darbo xoogan ah ku gaaday goolhayaha Tottenham Gazzaniga kaasoo awoodi waayay inuu celiyo.

expanded thumbnail

Rashford ayaana fursado kale oo waa weyn u abuuray Manchester United oo ay ka mid ah mar uu birta garaacay bartamihii qeybta hore iyadoo goolhaye Gazzaniga uu fursado fiican ka beeniyay.

Laakiin Tottenham ayaa ciyaarta ku soo noqotay dhamaadkii qeybta hore markii Dele Alli uu kubad fiican ku hor koontaroolay goolka Manchester United islamarkaana uu daba mariyay goolhaye David de Gea iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Dele Alli ayaa waxaa dib u soo nooleeyay tababare Jose Mourinho isagoo shabaqa soo taabtay seddex kulan oo isku xigta markii ugu horeysay tan iyo bishii March 2017.

Labo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta Manchester United ayaa loo dhigay rigoore markii uu Sissoko xerada ganaax qalad kula galay Rashford.

expanded thumbnail

Weeraryahanka Ingariiska Marcus Rashford ayaa u istaagay rigoorada isagoo dhinac qaldan u diray goolhayaha Tottenham islamarkaana hogaanka ku soo celiyay Manchester United.

Advertisements

Rashford ayaa dhaliyay sagaal gool tobankii kulan ee ugu danbeysay ee uu u ciyaaray Manchester United.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Manchester United guusha ku raacday kuwaasoo soo galay kaalinta lixaad iyagoo 21 dhibcood, waxayna 8 dhibcood ka hooseeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea.

Comments are closed.