Man United, Man City, Chelsea Mise Real Madrid? Kooxda Uu Qalbiga Ka Doonayo Inuu Ku Biiro Erling Haaland Oo Shaaca Laga Qaaday

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo ay saxeexiisa saf dheer ugu jiraan kooxaha ugu waaweyn Yurub isla markaana laga xusi karo Manchester United, Manchester City, Chelsea iyo Real Madrid ayaa la xusayaa inay jirto koox uu isagu si gaar ah u calaamadsaday.

Advertisements

Sida uu warbixin cusub ku sheegay wargeyska Marca, Erling Haaland ayaa kooxdiisa xigta u doortay kooxda difaacanaysa horyaalka Spain ee Real Madrid oo uu u arko halka xigta ee uu ku dambayn doono.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Real Madrid ay Haaland iyo dhaliyaha Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe u dooratay labada saxeex ee ay wax kaga bedelayso safkeeda weerarka.

Tan iyo markii uu kooxdiisa Boruusia Dortmund kaga biiray dhinaca RB Salzburg bishii January ee sanadkii hore Haaland ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid diirada saarayay heshiiska xiga ee uu koox kale oo weyn ugu biirayo isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku xidhaya.

Advertisements

Real Madrid ayaa ah mid dhinaceeda ka warqabta sida uu Haaland u doonayo inuu kooxdeeda ugu biiro iyadoo la filayo inay wadahadalo labada dhinac ka dhex bilaabmaan dhawaan.

City iyo Man United ayaan la filayn inay is dhiibaan, wargeyska Sportsmail ayaa sheegay inay dhawaan madaxda Etihad Stadium xidhiidh la sameeyeen shaqsiyaadka ku dhaw dhaw Haaland.

Haaland ayaa markale bandhig cajiib ah samaynaya xilli ciyaareedkan isaga oo 31 gool kusoo dhaliyay 30 kulan oo uu xilli ciyaareedkan Dortmund usoo ciyaaray.

Marca ayaa dhinaciisa sheegaya in Real Madrid ay u fududahay inay la saxeexato Haaland halkii ay isku dayi lahayd saxeexa Mbappe oo aan si sahlan PSG lagaga helayn.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*