Man United Iyo PSG Oo Heshiis Buuxa Xagaagii Ka Gaadhay Iibka Paul Pogba & LABA Ciyaartoy Oo Heshiiskaas Fadhiid Ka Dhigay Oo La Ogaaday.

Advertisements

Sida ay sheegayaan saxaafada kala duwan ee dunidu, Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis dhammaystiran ka gaadheen iibka Paul Pogba suuqii xagaagan balse heshiis qabsooma ay laba ciyaartoy oo kale joojiyeen.

Pogba ayaa xagaagii doonayay inuu iskaga tago Old Trafford waxaana kooxda uu doorbidayay ay ahayd Real Madrid sababtoo ah aragtidiisa ah inuu mar uun kahoos ciyaaro tababare Zinadine Zidane.

Man Utd Paul Pogba PSG transfer news

Si kastaba, Ugu dambayntii Pogba ayaa ku negaaday kooxdiisa waxaana uu haatanba xilli ciyaareedkan 2019-20 ku bilawday qaab dareemo kala duwan leh oo qaarkood wanaagsanaayeen qaarkooda uu xumaato iyo eedayn kula kulmay.

Wargeyska Calcio Mercato ayaa sheegaya in Pogba uu ku dhawaaday dhammaadkii suuqii dhawaa ku biirista PSG iyadoo waliba warbixintu ay intaas ku darayso in Red Devils ay waxkasta kula heshiiyeen kooxda ree France.

Sida uu wargeysku sheegayo Pogba ayaa lacag dhan £134 Milyan ugu wareegi lahaa Paris iyadoo £22 Milyan oo kamid ah lacagtaas uu qaadan lahaa wakiilka xiddigan ee Mino Raiola.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Xogta Iyo Rikoorada Laga Diiwaangeliyay Kulankii Ay Man City Maanta Xasuuqday Watford - Aguero Oo Jabiyay Rikoorkii Wayne Rooney

Heshiiskan ayaa lagu sifeeyay mid ay curyaamiyeen xiddigaha Neymar JR iyo Ousmane Dembele kuwaas oo saamayn dadban ku yeeshay.

Advertisements

Paris ayaa filaysay in Neymar uu u dhaqaaqayo dhinaca Barcelona halka Barca ay doonaysay inay Dembele u wareejiso dhinaca PSG balse midaas ayaan suurogalin.

Dembele ayaa iska diiday inuu u wareego dhinaca PSG taas oo dhalisay in PSG ay sii haysato Neymar oo ay iskaga hadho rabitaankii Paul Pogba.

Comments are closed.