Man City Oo Rikoodh Cusub U Dhigtay Kooxaha Yurub Xilli Ay U Gudbeen Wareega 16ka FA Cup Ka Dib Xasuuq Ay U Geysteen 10 Xiddig Oo Fulham Ah

Advertisements

Manchester City ayaa rikoodh cusub u dhigtay kooxaha Yurub xilli ciyaareedkan ka dib markii ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee in ka badan 100 gool dhalisay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Man City ayaa 4-0 ku xasuuqday kooxda Fulham oo marti ku aheyd Etihad Stadium iyadoo kooxda reer London ay ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan ka dib casaan uu qaatay daafacooda daqiiqadii 6aad.

Ream ayaa casaan toos ah la siiyay markii uu xerada ganaaxa ku dhex lagday Gabriel Jesus, iyadoo rigooradii loo dhigay Manchester City uu gool u sarifay xiddiga khadka dhexe ee Ilkay Gundogan.

City ayaa heshay goolka labaad daqiiqadii 19aad markii uu Bernado Silva meel hoose kubada ka geliyay shabaqa ka dib caawin uu ka helay Phil Foden oo lagu soo bilaabay kulankaan, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay City hogaanka ku heysay.

Labadaas gool ayaa ka dhignaa in Man City ay 100 gool dhalisay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, waa kooxdii ugu horeysay ee kooxaha shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee gaara 100 gool ama ka badan xilli ciyaareedkan.

City ayaa gooldhalinta halkeeda ka sii waday qeybtii labaad iyadoo Gabriel Jesus uu madax ku dhaliyay kubad uu u soo qaaday Cancelo daqiiqadii 73aad.

Advertisements

Labo daqiiqo ka dib Jesus ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkiii afaraad ee Man City isagoo madax ku dhaliyay kubad laga badbaadiyay Phil Foden.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-0 oo ay Man City ugu soo gudubtay wareega 16ka kooxood ee koobka ay difaacanayaan ee FA Cup.

Comments are closed.