Man City Oo Jawaab Ka Bixisay U Dhaqaaqista Arsenal Ee John Stones

Advertisements

Manchester City ayaan dhageysan doonin dalab walba oo ay Arsenal ka soo gudbiso daafaca Ingariiska John Stones madaama aysan dooneynin inuu ka tago xiddigii hore ee England.

25 jirkaan ayaa Man City uga soo biiray Everto sannadkii 2016 iyagoo ku iibsaday 50 milyan ginni, wuuxna ku guuleystay labo koob oo Premier League ah tan iyo markii uu u wareegay Etihad Stadium.

Bixitaankii Vincent Kompany ee xagaagii la soo dhaafay oo ay wehliso dhaawaca Aymeric Laporte ayaa fursad u noqotay Stones laakiin weli qaab ciyaareedkiisa waa uu ka hooseeyaa sidii laga filayay.

Stones ayaa kaliya in aan gaareynin 10 kulan u saftay Man City xilli ciyaareedkan, wuxuu ka walaacsan yahay booskiisa xulka England ee koobka Euro 2020.

Warar soo baxay maanta ayaa sheegayay in Arsenal ay soo bandhigtay inay xiiseyneyso John Stones halka daafaca uu diyaar u ahaa inuu la kulmo Mikel Arteta si ay u dhameeyaan heshiiska bishaan Janaayo.

Si kastaba, wargeyska Ingariiska ee Metro ayaa sheegaya in Manchester City aysan dooneynin inay iibiso Stones, xitaa ma doonayaan inay amaah ku fasaxaan.

Advertisements

Stones iyo Mikel Arteta waxa ay wadaagaan hal wakiil iyadoo tababaraha reer Spain uu xiriir fiican la leeyahay daafaca madaama ay seddex sano iyo bar isla joogeen Etihad Stadium.

Arsenal ayaa baadigoob ugu jirta daafac cusub bishaan ka dib markii Calum Chambers uu soo gaaray dhaawac uu ku maqnaanayo inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.