Man City Oo Dhisanaysa Boqortooyo Dunida Gilgisha, Chelsea, United, Juve Iyo Real Oo Hal Ciyaartoy Ku Dagaallamaya & Wararkii U Dambeeyey Suuqa

Akhristeyaal, wuu xidhan yahay suuqa iibka ciyaartoydu, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa bisha June, laakiin hadda ayay kooxuhu sii shaqaysanayaan iyagoo kala jiidanaya ciyaartoyda sida bilaashka ah lagu heli karayo iyo kuwa kale oo ay saxeexyadooda sii bislaysanayaan ka hor inta aan la gaadhin waqtiga rasmiga ah.

Advertisements

Wargeysyada ciyaaraha ayaa si joogto ah usoo bandhiga xogta, xanta iyo dhaqdhaqaaqa suuqa, waxaananu idiinka soo xulnay qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen maanta oo Khamiis ah:

Manchester City ayaa doonaysa in ay garoonka Etihad Stadium iskugu keento xiddiga Barcelona ee Lionel Messi oo 33 jir ah iyo weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo 20 jir ah, marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga. (Sun)

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Faransiiska ee Paul Pogba ayaa ka tegi doona Manchester United isla marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda, waxaana kooxaha doonaya ugu horreysa Juventus oo qorshaheedu yahay in ay United u bandhigtay Paulo Dybala oo 27 jir ah. (Tuttosport)

Advertisements

Tottenham waxay ku kalsoon tahay in ay sii xajisan doonto weeraryahankeeda Harry Kane oo 27 jir ah, qorshahana uguma jirto in ay ka iibiyaan koox kale oo Premier League ah, inkasta oo ay Man City iyo Man United danaynayaan saxeexa Kane. (MEN)

Bayern Munich waxay xiisaynaysaa weeraryahanka Tottenham ee Son Heung-min oo 28 jir ah, waxaanay samir u muujinayaan dariiqa ay u maranayaan saxeexa laacibkan oo heshiiskiisa Spurs uu soconayo illaa xagaaga 2023, laakiin waxa uu kooxda reer London ka haystaa dalab-heshiis oo waqti dheer ah. (Football Insider)

Chelsea, Manchester United, Juventus iyo Real Madrid ayaa ku dagaallamaya goolhayaha Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah, iskana diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdaas. (Gianluca di Marzio)

Barcelona waxay u dhow dahay in ay heshiis la saxeexato 30 jirka reer Netherlands ee khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Georginio Wijanldum oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin kooxda reer Catalonia waxa kula loollmaya Chelsea, Juventus iyo PSG. (Marca)

Weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo 32 jir ah, waxa uu qaab ciyaareedkiisu kusoo baxayaa Juventus oo uu ula qabsan doono sidii Carlos Tevez oo kale, sida uu sheegay halyeygii Juve ee Franco Causio. (Gazzetta dello Sport)

Laacibka khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka qaranka Uruguay ee Lucas Torreira oo 25 jir ah, waqtiganna amaah ugu maqan Atletico Madrid, ayay doonaysaa kooxda Boca Juniors oo yaraantiisii uu taageeri jiray. (ESPN)

Garabka weerarka iyo difaaca midig ee Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa shandaddiisa ka xidh-xidhanaya Santiago Bernabeu iyadoo aanu cusboonaysiin doonin qandaraaskiisa dhamaadka ah. 29 jirkan ayay doonayaan kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Bayern Munich. (ABC)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*