Man City Kaliya Hal Kulan Ayay U Jirtay Inay La Saxeexato Virgil Van Dijk, Shuruudan Ayay Ku Xidhay Laakiin Wuu Ku Fashilmay!!

Tababarihii hore ee kooxda Celtic ee Ronny Diela ayaa shaaca ka qaaday sheeko aan hore loo maqal oo la xidhiidha daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo qaabkii uu ugu dhawaaday inuu Man City u wareego.

Tababarahan ree Norway oo haatan maamula kooxda MLS-ka ee New York City oo ay sidoo kale mulkiyadeeda leeyihiin City Football Group oo ah shaqsiyaadka iska leh Manchester City ayaa sheegay inuu saxeexa Virgil u bandhigay City.

Diela ayaa sheegay inuu Man City la xidhiidhay una sheegay inuu hayo Van Dijk oo ah daafac aad u wanaagsan oo ay la saxeexdaan balse gabi ahaanba way diideen saxeexiisa wakhtigaas oo ahaa sanadkii 2014.

Man City ayay diidmadeedani marka dhinac laga eego tahay mid gar ah maadaama oo ay Diela weydiiyaan kulan Yurub ah oo uu si wanaagsan u ciyaaray si ay dib ugu daawadaan maadaama oo aysan bandhigiisa horyaalka Scotland ku qiimayn karayn balse kulankaas ayaa la waayay.

Tababare Ronny Diela ayaa u sheegay Goal “Miyaan anigu la xidhiidhay City? haa waxaan ku idhi waa inaad qaadataan, waxay yidhaahdeen hagaag ‘Noo sheeg kulanka ugu wanaagsan ee Yurub ah ee uu ciyaaray waananu daawan doonaa”

“Iyaga umaan sheegi karayn kulanka uu ahaa midkaasi sababtoo ah isagu muu qaadan kulamo Yurub ah oo dhab ahaan wanaagsan, isagu waxa uu ahaa mid qabsaday Scotland laakiin casaan ayuu qaatay kulankii Inter aanu booqanay”

“Kaasi waxa uu ahaa tijaabo weyn, waxaan filayaa haddii uu si cajiib ah u ciyaari lahaa kulankaas, waa la iibsan lahaa, waxaan filayaa in Van Dijk uu wanaagsanaa laakiin ma uusan qaadan halkaas kulan ee dhab ahaan wanaagsan ee Yurub ah”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*