Michael Owen ayaa saadaaliyey kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, waxaanu kasii nixiyey mid ka mid ah kooxihii uu u ciyaaray, isagoo midda kalena ka farxiyey.
Ciyaarta Manchester City ay ku qaabbilayso Manchester United ayuu Owen saadaaliyey in Pep Guardiola uu kusii wadan doono guulaha xidhiidhka ah oo ay kooxdiisu 3-1 ku badin doonto, taas oo ka dhigan in ay sii dheeraysan doonto hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ka dhigan doonto 17 dhibcood.
Leicester City oo soo gaabin kari lahayd dhibcaha City ayaa iyaduna geli doonta barbarro 1-1 ah marka ay wada ciyaaraan Brighton oo ay marti u noqonayso maanta.
Arsenal ayaa iyaduna iska lumin doonta fursad ay sare ugu soo kici lahayd, laakiin Liverpool ayaa soo afjari doonta shantii guul-darro oo isku xigay ee garoonkeeda Anfield lagaga badiyey, waxaanay jidka guusha dib ugu bilaaban doonta ciyaarta Fulham oo ay si dirqi ah kaga badin doonto, iyadoo uu goolkana u dhalin doono Mohamed Salah, sida uu Michael Owen Saadaaliyey.
Chelsea ayaa sii xajisan doonta kaalinteeda afraad iyadoo meel iska saari doonta kooxdii labaad ee Merseyside ka dhisan laba usbuuc oo isku xiga gudahood, waxaanay doorkan garaaci doontaa Everton sidii kooxda ay isku magaalada yihiin ee Liverpool oo kale.
West Ham United oo ku jirta kaalinta shanaad ayaan ogolaan doonin inay fursad siiso Liverpool, waxaanay saddexda dhibcood ka qaadan doontaa Leeds United.
Saadaasha Michael Owen oo dhamaystiran
Burnley 1-1 Arsenal
Sheffield United 0-2 Southampton
Aston Villa 2-1 Wolves
Brighton 1-1 Leicester City
West Brom 0-1 Newcastle United
Liverpool 1-0 Fulham – Mohamed Salah ayaa goolka dhalinaya
Man City 3-1 Man United
Tottenham 2-1 Crystal Palace
Chelsea 1-0 Everton
West Ham 2-1 Leeds United
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora