Malaga Yaabaa In Paul Pogba Uu Dib Ugu Laabto Juventus? Mino Riola Oo Ka Warbixiyay Mustaqbalka Xiddiga Reer France.

Advertisements

Kubad sameeyaha Man United Paul Pogba ayaan maanka ku heynin dib ugu laabashada Juventus kadib koobka qaramada yurub sida uu ka dhawaajiyay wakiilka awoodda leh ee Mino Riola.

Waxaa wali jira wararka xanta ah ee xiddigaan heerka caalami ka fogeynaya garoonka Old Trafford, midkood Juventus iyo Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo ku biiristooda sida ay mar walba sheegaan warbaahinta.

26-jirkaan heerka caalami ayaa bilahii ugu dambeeyay dhexda kaga jiray murano kala duwan, uma ciyaarin kooxdiisa wax badan fasalkaan maadaama uu dhaawac noqday, waxaana dadka u dhaw kooxda ay u maleynayaan in wiilka uu kasii baxayo albaabka magaalada Manchester.

“Wadanka talyaaniga wuxuu u yahay sida gurigiisa, maanka kuma haayo inuu dib ugu laabto Juve balse waan arki doonaa wixii dhaca kadib Euro2020” ayuu Riola u sheegay warbaahinta kadib kulankii ay 1-1 isla dhaafi waayeen Milan iyo Juventus oo isaga hor yimid lugta koowaad wareega semi final-ka Copa Italia.

“Paul wuxuu doonayaa inuu ciyaaro heerka ugu sarreeya balse baxsad kama ahan Man United marka ay ku jirto marxalad adag”

Advertisements

Mino Riola wuxuu saxaafadda u sheegay in Paul uusan xaaladda xun ku nici doonin kooxdiisa, dhawaan ayaana la filayaa inuu garoomada kusoo laabto maadaama uusan 3 bilood ka badan xiran maaliyadda kooxda.

Red Devils waxey diiday 150 Malyan oo Pound, waxeyna doonayaan iney xiddigaan hareerahiisa koox adag ku dhisaan.

Comments are closed.