Magacyada TODDOBA Xiddig Oo Uu Jurgen Klopp Ka Caydhinayo Liverpool

Liverpool ayaa albaabada ka furaysa toddoba ka mid ah ciyaartoygeeda marka la gaadho xagaaga, kuwaas oo ay u iibin doonto si ay uga hesho lacag ay la gasho suuqa oo ay kusoo iibsato ciyaartooyo kale.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska Athletic, tababare Jurgen Klopp ayaa mar horeba go’aamiyey in kooxdu iibiso laacibka da’da yar ee Ben Woodburn oo hore  loogu arkayay mid ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka ku leh Anfield, hase yeeshee loollanka adag ee kooxda dhexdeeda iyo tayada sare ee uu doonayo Jurgen Klopp ka rabo laacibiintiisa ayaanay waqtigan suurtogal ahayn in uu fursad helo.

Ben Woodburn ayaa hormood ka noqon doona dersin kale oo ciyaartooyo ah, laakiin isaga ayaa ah xiddiga ay ku adkaanayso taageereyaasha in ay arkaan isagoo koox kale u ciyaaraya oo macasalaameeyey Reds.\

Shuruudda kaliya ee uu da’yarkani kaga bixi karayo Anfield ayuu wargeysku sheegay in ay tahay, in haddii dalab lacag fiican ah uu yimaaddo.

Advertisements

Laacibkan oo kulankiisii ugu horreeyey u saftay Liverpool sannadkii 2016kii ayaa ku jira taariikhda kooxda, iyadoo uu noqday ciyaartoygii ugu da’yaraa ee abid gool u dhaliya Liverpool, waxaana waqtigaas amaan kula dul-dhacay Steven Gerrard oo ku sifeeyey ciyaartoy cajiib ah.

Waxa kale oo Liverpool ka tegi doona xagaagan, goolhaye Adrian oo si bilaash ah ku bixi doona, iyadoo marka horena uu heshiis xor ah ku yimid Anfield.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale go’aamiyey in suuqa la dhigo ciyaaryahannada ay ka midka yihiin Marko Grujic, Harry Wilson, Sheyi Ojo, Xherdan Shaqiri iyo Divock Origi oo dhamaantood iib ah.

Ciyaaryahannadan ayaa uu tababaruhu ku sheegay in ay yihiin kuwo aan waxtar u lahayn kooxda oo qaarkoodna ay haddaba ku maqan yihiin amaah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*