Magacyada LIX Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Laga Reebay Liiska Ciyaartoyda AC Milan Ee Kulanka Manchester United

AC Milan ayay ka maqan yihiin lix ciyaartoy oo muhiim ah kulanka Europa League ee habeen dambe oo Khamiis ah ay martida u yihiin Manchester United.

Advertisements

Milan ayaa safar ku tegaysa Old Trafford lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Europa League, waxaase ka maqan xiddigo uu ugu magac weyn yahay weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic oo sidoo kale seegaya kulamo xaasaasi ah oo ay kooxdiisu leedahay.

Ibra ayaa dhaawac soo gaadhay laba toddobaad ka hor waxay kooxdiisu sii sheegtay in aanu waqti u haysanin kulankan oo aanu awoodi karaynin inuu ka hor tago kooxdiisii hore.

Waxa kale oo AC Milan ka maqan difaacii hore ee Real Madrid ee Theo Hernandez iyo laacibka saamaynta badan ku leh khadka dhexe ee Ismael Bennacer oo hore loola xidhiidhinayay inuu tegayo Manchester City, waxaana labadan ciyaartoyba ay ku maqan yihiin dhaawac.

Advertisements

Liiska ciyaartoyda AC Milan oo la shaaciyey ayaa waxa kale oo ka maqan Mario Manduzukic, Hakan Calhanoglu iyo Ante Rebic, taas oo ka dhigan in afkii hore ee AC Milan ay meesha ka maqan yihiin.

Weeraryahanka reer Portugal ee Rafael Leo iyo 20 jirka Riccardo Tonin ayaa ah labada ciyaartoy ee kaliya ee weerarka ee ay AC Milan haysato.

Kooxda Talyaaniga ayaa rajaynaysay inay usoo laabtaan qaar ka mid ah ciyaartoyda dhaawaca kaga maqan, hase yeeshee waqtiga ayaa ku yaraaday, waxaana uga sii daran in lugta labaad ee ay labadan kooxood tegi doonaan San Siro ay toddobaadka dambe noqon doonto, taas oo ka dhigan in ciyaartoydan qaarkood aanay heli doonin fursad.

Milan oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A oo dib usoo dhacday usbuucyadii u dambeeyey kaddib waqti badan oo ay hoggaanka haysay, ayaa waxa dhibaato ku noqday dhaawacyadan tirada badan.

Liiska ciyaartoyda AC Milan ee kulanka Manchester United oo dhamaystiran:

G Donnarumma, A Donnarumma, Tatarusanu; Calabria, Dalot, Gabbia, Kalulu, Kjaer, Romanogli, Tomori; Castillejo, Diaz, Kessie, Krunic, Meite, Tonali, Saelemaekers; Leao, Tonin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*