Magacyada Afarta Xiddig Ee Manchester United Ee Ay Chelsea Ka Baqayso Kulanka Berri Oo La Shaaciyey

Chelsea ayaa Axadda garoonkeeda Stamford Bridge waxay ku martigelin doontaa Manchester United, waxaanay rajaynaysaa inay sii wataan qaab-ciyaareedkooda wanaagsan ee ay kusoo jireen intii uu Thomas Tuchel xilka hayay.

Advertisements

Blues hal marna guul-darro lamay kulmin muddo bil ah dhamaan tartamada, laakiin imtixaankii ugu adkaa ee horyaalka Premier League ayay Axadda marayaan iyagoo soo dhoweynaya Manchester United oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kulankan ka hor sii sheegay in Manchester United ay sabab ugu noqotay inuu meel madow ku jiro laba maalmood waqtigii uu joogay PSG, kaddib markii ay Red Devils ku garaacday garoonka Parc des Prince.

Sida uu qoray wargeyska Daily Express ee kasoo baxa UK, Chelsea ayaa ka baqaysa afar ciyaartoy oo Manchester United laf dhabar u ah kulanka ay Axadda ku ballansan yihiin, waxaana uu Tuchel u dejinayaa qorshihii ay ku xakamayn lahaayeen.

Advertisements

Xiddiga ugu horreeya ayaa ah Bruno Fernandes oo hoggaaminaya gool-dhalinta kooxda, isla markaana laba gool ka dhaliyey kulankii Real Sociedad ee lugta hore ee Europa League.

Xiddigan oo 22 gool u dhaliyey Manchester United, ayay feejignaan gaar ah u yeelan doonaan ciyaartoyda Chelsea.

Marcus Rashford ayaa ah ciyaartoyda  labaad ee ay baqashada badan ka hayso, waxaase lagu xidhi doonaa Reece James ama Cesar Azpilicueta ay xakamayn doonaan.

Labada ciyaartoy ee kale ayaa ah Fred oo khadka dhexe ah iyo Luke Shaw oo difaaca bidix ah illaa weerarkana kubadda keena.

Advertisements

 

2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*