Madaxweynaha Real Madrid Oo Shaaciyay Hal Arin Oo Fashil Ka Dhigtay Saxiixyadii Robert Lewandowski Iyo Paul Pogba Ee Los Blancos

Advertisements

Florentino Perez ayaa ka sheegay shirka saamileyda Real Madrid in kooxda ay isku dayday saxiixa Paul Pogba xagaagan, halka ay sidoo kale isku dayeen saxiixa Robert Lewandowski sannadihii ugu danbeeyay.

Madaxweynaha Real Madrid ayaa sharaxaad ku bixiyay in kooxaha ay u ciyaaraan labada xiddig inay diideen inay iibiyaan taasoo ka dhigtay hamigooda mid fashilma.

“Waxaa jira ciyaartoy aan marnaba la iibinin” ayuu yiri Florentino Perez.

“Waxaan dhowr sannadood isku daynay inaan la soo wareegno Lewandowski, wax dhacyna ma jirin sababtoo ah ma jirto lacag lagu burburin karo qandaraaskiisa, Bayern Munich-na ma dooneyso inay iibiso.

“Ma jirto sabab ay ku iibiso. Arin la mid ah ayaana kala kulanay Pogba. Marka ciyaartoyda qaar la iibin karo, waan dalbanaa.”

Florentino ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatadii ay kooxda wajahday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu qirtay in qaladaad la sameeyay.

“Waxaan heysanaa sagaal xiddig oo Ballon d’Or u tartamay iyo koox lagu qiimeynayo 1.2 bilyan euro” ayuu yiri Florentino.

Advertisements

“Sannadkii la soo dhaafay dhibaatada ma uusan aheyn hal ciyaaryahan, laakiin maskax ahaan ayaan ka ciladeysneyn.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

“ciyaartoy muhiim ah ayaan la soo wareegnay oo uu Eden Hazard ka mid yahay.”

Comments are closed.