“Jose Mourinho Wuxuu Durbaba Doortay Kooxdii Uu Tababare Ka Noqon Lahaa” – Madaxweynaha Lyon Oo Sir Kashifay

Advertisements

Jose Mourinho waxa uu iska diiday Lyon madaama uu durbaba doortay kooxda xigta ee uu tababare ka noqon doono, sidaasi waxaa shaaciyay madaxweynaha kooxda Faransiiska Jean Michel Aulas.

The Special One oo 56 sanno jir ah ayaa doonaya inuu shaqada tababarenimo ku soo laabto, waxaana loo arkayay inuu u sharaxan yahay inuu Lyon ka bedelo tababarihii la ceyriyay Sylvinho.

Laakiin Aulas ayaa sheegay in Mourinho uu iska diiday shaqada kooxdiisa sababtoo ah waxa uu durbaba go’aansaday kooxda xiga ee uu tababare ka noqon doono.

Waxa uu yiri: “Waxaan fariimo isku weydaarsanay taleefanka. Qof walba ayay u fiicneyd.

“Ma uusan aqbalin inuu nala kulmo sababtoo ah waxa uu durbaba doortay kooxda xigta ee uu tababare ka noqon doono.”

Waxaa la fahamsan yahay in Mourinho uu sugayo shaqada kooxda Tottenham iyadoo cadaadiska uu ku sii kordhayo Mauricio Pochettino.

Wararka ayaa sheegaya inuu sidoo kale isha ku hayo kooxdiisa hore ee Real Madrid iyadoo tababare Zinedine Zidane uu ku dhibtoonayo shaqadiisa Bernabeu.

Advertisements

Newcastle ayaa sidoo kale u dhaqaaqi karta Mourinho iyadoo la filayo in milkiilayaal Carbeed ay iibsadaan.

Mourinho ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay Manchester United toban bilood ka hor.