Macluumaadkii Internet-ka Manchester United Oo La Jabsaday, Xogaha Laga Xaday Iyo Haddii Kulanka Maanta Ee West Brom Uu Baaqanayo

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay in loo dhacay macluumaadkeeda iyadoo la dhaafay habkeeda difaaca maalintii Khamiistii.

Red Devils oo isku diyaarinaysa kulanka maanta ay ka hor tegayso Wolves, ayaa waxay sheegtay in weerar lagu soo qaaday maalintii Khamiistii, isla markaana ay budhcadda Internet-ku awood u yeesheen inay jabiyaan habkooda difaaca oo ay ka xadaan macluumaad xaasaasi ah, taas oo ay ku sifaysay ‘lawlgal adag’.

Sidaas oo ay tahay, waxay United ku doodday in budhcaddani aanay awood u yeelanin inay la baxaan macluumaadka taageereyaasha iyo macaamiisha midkoodna.

Advertisements

War-saxaafadeed ay soo saartay Manchester United oo ay ku xaqiijinayso budhcadda Internetka ee macluumaadkeeda u dhacday ayay ku tidhi: “Kooxdu waxay qaadday tallaabo kaddib weerar internetka ah oo lagu soo qaaday, waxaanay waqtigan la shaqaynaysaa khubarada taliyeyaasha oo baadhitaan ku samaynaya falkan, si loo yareeyo qaska IT-ga ee waqtigan socda.

“Inkasta oo uu ahaa hawl-gal adag oo ay soo abaabyuleen budhcadda Internet-ka ee dambiileyaasha ah, haddana waxay kooxdu leedahay hannaan xeeldheer iyo nidaam lagaga gaashaamanayo dhacdooyinkan oo kale, waana lagu soo tababaray khatarahan oo kale.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*