Maamulka Horyaalka Premier League Oo Bayaan Ku Sharraxay Sababta Son Heung-min Casaanka Loo Siiyay Kadib Dhaawacii Andre Gomes.

Advertisements

Maamulka horyaalka Premier League ayaa Bayaan ku sharraxay sababta casaanka loo siiyay xiddiga Spurs – Son Heung-min kaas oo ka qeyb qaatay dhibaatadii ku dhacday kubad sameeyaha Everton – Andre Gomes.

Xiddigii hore Barcelona (Andre Gomes) ayaa garoonka laga saaray kadib markii dhaawac xun uu kasoo gaaray lugta, waxeyna maamulka Premier League xaqiijiyeen in Son uu casaankaas u gudoomay sabab la xiriirta inuu khatar galiyay nafsadda xiddiga Everton.

Gomes ayaa lagu hawlanaa in laga shaqeeyo dhaawaciisa ku dhawaad 10-daqiiqo ka hor inta aan sariirta dhaawaca lagu qaadin, daqiiqado kadibna waxaa loo gudbiyay isbitaalka sida ay xaqiijiyeen warbaahinta Ingiriiska.

Martin Atkinson ayaa markii hore u taagay xiddiga Koonfurta Kuuriya kasoo jeeda kaarka jaalaha ah maadaama qaladka uu geystay uu ahaa mid iska yar, balse dhibaatada ka dhalatay qaladkii uu ka galay Gomes darteed ayaa go’aanka loo badalay.

Inkastoo xiddigii hore Leverkusen uu ku ilmeeyay garoonka dhexdiisa markii uu arkay waxa ku dhacay Gomes, hadana asaan ayaa loo taagay mana jirin xiddig ka xumaaday marka la fiiriyo in qof walba uu la murugsanaa dhibaatada soo gaartay Gomes.

Ma aheyn wax lagu hubiyay VAR, ama garsoorka dambe ay shaqo ku lahaayeen, balse maamulka Premier League ayaaba bayaan ku sharraxay sababta uu Atkinson go’aanka u qaatay.

“Casaanka la siiyay Son wuxuu ahaa maadaama uu qatar galiyay badqabka ciyaariyahanka taasoo keentay dhibaatadii ka dhalatay qaladkiisa hore” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Premier League.

Si kastaba Dele Alli oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay ka hor inta uusan shilka dhicin ayaa Sky Sports la hadlay wuxuuna yiri:

Advertisements

“Ma dooneyn inaan wax badan fiiriyo wixii dhacay, wanaag ayaana u rajeynayaa”

“Son wuu argagaxay wuuna ilmeeyay, ma ahan qaladkiisa, Son waa mid ka mid ah dadka ugu fiican oo aad waligaa la kulmi laheyd, xitaa madaxiisa kor uma qaadin, aad ayuuna u ooyay”

Comments are closed.