Maamulka Arsenal Oo Tashaday, LABA Tababare Oo Ay U Doorteen Inuu Midkood Bedelo Unai Emery & Haddii Uu Mourinho Kamid Yahay Xulashadooda

Advertisements

Maamulka sarre ee kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay tashadeen isla markaana ay soo saareen liis tababareyaal ah kuwaas oo jagada tababarenimo ee kooxda ka dhaxli doona Unai Emery haddii cadaadiska haatan saaran lagu caydhiyo.

Qaar kamida jamaahiirta kooxda ayaa ka aamin baxay tababaraha haatan kaddib qaab ciyaareed xumo soo wajahday iyo inay kaliya laba kulan kasoo guuleysteen sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.

Image result for Arteta and Allegri"

Madaxa kubadda cagta kooxdaas ee Raul Sanlehi iyo agaasimaha farsamada ee Edu ayaa saamayn sii kordhaysa ku yeelanaya kooxdooda halka Josh Kraonke oo ah agaasime iyo waliba inanka Stan oo ah ninka qaybta ugu weyn ku leh kooxdaasi uu doonayo inuu Emery wakhti siiyo.

Haddaba, Labada tababare ee ay Arsenal haatan mustaqbalkooda u xusheen sida laga soo xiganayo wargeyska Mirror ayaa ah Mikel Arteta oo caawiye u ah Pep Guardiola iyo macalinkii hore ee Juventus ee Maxi Allegri.

Liiskan ayaa laga waayay Jose Mourinho kaas oo ay ku kala qaybsan yihiin jamaahiirtu sababtoo ah xidhiidhkii xumaa ee uu la lahaa Arsene Wenger iyo xumaantii kooxda soo kala dhex martay sanadihii u dambeeyay.

Dhinaca kale halyeeyga kooxda ee Patrick Vieira oo qudhiisu liiskan kusoo bixi lahaa ayaa haatan ku dhibaataysan kooxdiisa Lille waana sabab loogu arkay mid an shaqadan ku haboonayn.

Advertisements

Arteta ayaa isagu markii ay Arsenal Emery qaadatay ay sidoo kale doonaysay balse ilaa haatan tartame u ah shaqada halka Allegri uu shaqo la’aan yahay mudo bilooyin ah walow inuu sanad nasan doono uu hore u sheegay.

Allegri ayay sidoo kale doonaysaa Bayern Munich oo dhawaan fasaxday tababaraheedii Niko Kovac waana sabab ku qasbi karta inuu nasiimadiisa halka sano ah soo gaabiyo oo uu kala xusho Gunners iyo Bavaria.

4 responses to “Maamulka Arsenal Oo Tashaday, LABA Tababare Oo Ay U Doorteen Inuu Midkood Bedelo Unai Emery & Haddii Uu Mourinho Kamid Yahay Xulashadooda”

  1. Allegri hadi tababare laga dhigo wa balan arsenal danbe ina dawanyn wa nin an dhig lahyn juventus ayu dhulka laos galay emery aya dhaama

  2. Arsenal waxay u baahan tahay tababre sida Jose Mourinho oo kale ah isaga cid aan ahayn kuma haboona kooxda sababtoo ah Arsenal waxay u baahan tahay tabare difaaca dhisa oo tartame ah oo xamaasad iyo dhiig ku soo kordhiya hubaal kaasina waa Mourinho.