Maamulka Arsenal Oo Shuruud Adag Ku Xiray Sii Joogista Tababare Unai Emery Fasalka Soo Aadan – Maxaa Lagu Xujeeyay?

Advertisements

Maamulka Arsenal ayaa shuruud adag ku xiray mustaqbalka tababare Unai Emery, waxeyna u sheegeen inuu kooxda usoo saaro koobka horyaalada yurub hadii kalana ay ka fiirsan doonaan iney sanad dheeri ah ugu daraan heshiiska ay horay ula galeen.

Kooxda Gunners waxey ku dhameysteen booska 5-aad fasalkii ugu horreeyay tababare Unai Emery, waxeyna dhib la kulmeen kulamadii ugu dambeeyay maadaama 8-dhibcood kaliy ay shaqeysteen 7-dii ciyaarood ee ugu dambeeyay fasalkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxey gaareen final-ka koobka UEFA Europa League ee lagu qabtay BAKU, waxeyna guuldaro xanuun badan kala kulmeen Chelsea.

Xagaagan Gunners waxey 72 Malyan oo Pound kala soo baxeen Nicolas Pepe, sidoo kalana waxey suuqa kasoo heleen labada xiddig ee David Luiz iyo Kieran Tierney, haka reebin iney kooxda soo gaareen Gabriel Martinelli iyo Dani Ceballos.

Si kastaba Raul Sanllehi oo ka hadlayay dood ay soo agaasimeen jamaahiirta Gunners ayaa qiray iney Unai Emery ka rajeynayaan inuu usoo saaro koobka Champions League 2020/2021.

“Waxaan u sheegnay Unai Emery inaan weynay Champions League sanadkii lasoo dhaafay” ayuu yiri Raul.

Advertisements

“Balse sanadkaan, waxaan heysanaa koox xoogan, waxaan kaa rajeyneynaa inaad noo soo saarto tartankaas”

Si kastaba Arsenal waxey Unai Emery la gashay heshiis laba sano ah iyo sanad dooq ah, fasalkaan dhamaadkiisa waxaa ka dhamaanaya qandaraaskiisa, hadii uu kooxda usoo saari waayo tartanka Champions League waxaa laga yaabaa in Gunners ay sanadka dooqa ah ee lagu heshiiyay ka baxdo.